Kulankii labaad ayaa waxaa iyana uu dhexmaray kooxaha
FC SHAANDI iyo MAKAROONA oo ah kooxaha ugu ciyaar wanaagsan
tartankan ciyaartaas oo ay daawashadeeda kasoo qaybgaleen
taageerayaasha labada kooxood iyo dadweyne fara badan
ayaa waxaa garsoore CALI MAXAMED COLAAD (cali baashi
)uu ka dhaqaajiyey seerigii bilowga ciyaarta,waxaana
ay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis,waxaana daqiiqadihii
hore ee ciyaarta goolkii ugu horeeyey helay kooxdii
MAKAROONA waxaana lagu kala nastay 1-0.
Qaybta 2aad ee ciyaarta ayaa waxaa dardar lasoo gashay
ciyaarta kooxda FC SHAANDI oo ah koox aad u ciyaar wanaagsan
daqiiqadii 54aad waxaa goolkii ugu horeeyey ee barbardhaca
halkaasi ugu saxeexay ciyaaryahan c/qaadir cali oo lambarka
8aad u qaata kooxda SHAANDI,waxaa bilaabatay in ay koox
waliba ay qaado weerar is daba joog ah si ay u xaqiijiyaan
sadexda dhibcood ee kulanka oo ah muhiim waxaana ay
daqiiqadii 82 aad u suurto gashay kooxdii SHAANDI inay
goolkii guusha uu u saxeexo ciyaaryahankooda YUUSUF
QARIIDI oo lambarka 18 aad u qaata kooxdiisa waxayna
ciyaartii kusoo gebagebowday 2-1 oo ay guushii ku raacday
kooxda kubadda cagta ee FC SHAANDI.
Ciyaartaas waxaa garsoore ka ahaa CALI BAASHI waxaana
saacidayey SAALAX BAALER IYO SIIDCALI iyadoo uu keydka
u fadhiyey YACQUUB waxool.
Isku soo wada duub tartankan oo si xiiso leh ugu socda
magaalada jeddah ayaa waxaa usoo daawasho taga dadweyne
fara badan oo degan xaafadaha magaalada jeddah iyo taageerayaasha
kooxaha.
DIYAARIYE muuse goosaar
muusegoosaar@hotmail.com 07 Febaury 2010 Waagacusub
Media
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download