Naadiga horumarinta dhallinyarada
Soomaalida/Maraykanka, Somali/American Youth Enrichment
Club oo ka mid ah ururada ku midoobay ururka horumarinta
dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM),
ayaa bilaabay tababar Kubadda cagta ah oo ay u qabanayaan
dhallinyarada da’dooda u dhaxeyso 6 jir ilaa 18 jir,
taasoo ay iska kaashanayaan ciyaartooydii hore ee K/cagta
iyo khubaro ku takhasusay K/cagta.
Barnaamijkaasi loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed
ee ku nool gobolka Minnesota ayaa waxaa dhismahiisa
waqti badan u huray tababarayaasha kala ah: C/rizaaq
Said Marshaale, C/raxmaan Guuleed “Aamaan”,C/qaadir
Nuune,Cabdullahi Moorgan iyo Maxamuud Ciise oo dhammantoodba
ka wada tirsanaa ciyaaryahannadii qaranka K/cagta /Koleyga
iyo naadiyadii herka 1aad ee dalkeena,Sidoo kalena Abaadir
Jama oo ku magac dheer “Urufey” iyo Saalim oo qabiiro
ku ah k/cagta ayaa tababarka wax ka bixinaya..Waxaa
iyaguna tababarka wax ka bixin doona tababarayaal ajnabi
ah oo kala ah: JB lettel iyo Niel.
Mar aan booqday halka uu tababarku ka socday ,caruurtuna
ay tababarka ku samaynayeen ayaan kula kulmay qaar ka
tirsanaa tababarayaasha sida C/rizak Marshaale oo ii
sheegay baahida keentay in la abuuro naadigan SYAEC
oo isagu qaabka uu u shaqayn doono ay ka duwanaan doonto
kuwii hore. C/rizak waxaa uu ii sheegay in diiwaan galintan
ay sii socon doonto lana ururin doono cayaartooy badan
oo yaryar kuwaasi oo aanu doonayno inaan u gudbino aqoonta
iyo tabaha casriga ah ee Kubadda cagta.
Haddaba haddii aad doonayso ama xiisaynayso in wiilkaagu
uu ka qayb-galo barnaamijkaasi oo xag caafimaad aad
ugu wanaagsan la soo xiriir dadka magacyadoodu ay hoos
ku xusan yihiin si laguu siiyo macluumaad intaasi dhaafsiisan.
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download