Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

        Miss Somali Live Chat -Somali Girls - Guurdoon-Sheeko iyo Shukaansi

(English) (Somali) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV)  
 
Waagacusub Independent Somali Journalists Home Media 2010
 

Minnesota oo uu ka bilaaban doono tartanka Somali Week+sawiro

MINNESOTA, CIYAARO-Shir ay isugu yimaadeen xubnaha ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota , Somali Youth Development Organization In Minnesota (SYDOM), ayaa habeenimadii xalayto oo taariikhdu ku beegnayd 02/05/2010 lagu qabtay xarunta ururkaasi ee magaalada Minneapolis- gobolka Minnesota.

(English) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV) (Sheeko)

Shirkaasi isaga ah oo uu shir guddoominayay, guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka , ahna tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha Kubadda Koleyga Cabdulqaadir Xaaji Daahir “Shiikha” ayaa looga hadlay arrimo faro badan oo ku saabsan horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyo u diyaargarowga qabashada tartamada ciyaaraha ee toddobaadka Soomaalida iyo Maraykanka 2010.

Tartankan isaga ah oo aalaaba ay soo abaabulaan ururka SYDOM, looguna magac daray Somali /American Independence days Tournment ayaa si buuxda la isugu raacay in sannadkan 2010 uu hogganka cayaarahaasi qabto tababare Shiikha, iyada oo xubnaha kale ee ururkana ay la shaqayn doonaan.

Tartamadan iyaga ah ayaa ka koobnaan doona noocyada ciyaareed ee Kubadda cagta ,Kubadda Koleyga iyo cayaaraha fudud, kaasi oo socon doona inta u dhaxaysa June 25 Ilaa July 4, 2010.

Ciyaaraha kubadda cagta ayaa la isla gartay inay ka qayb galaan 16 kooxood, kuwaasi oo 10 kooxood oo ka mid ah ay ka imaan doonaan dibadda sida Europe, iyo Canada .

Dhanka kubadda koleyga ayaa la isla gartay in tartankaasi ay ka soo qayb galaan 10 Kooxood oo lix kooxood ay ka imaan doonaan dibadda sida: Europe, iyo Canada.

Waxaa iyaduna tartamadaasi garab socon doona tartamada cayaareed ee kubadda Koleyga iyo cagta dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 8 sano ilaa 16 sano.

Tartamadaasi ka dhici doona magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa lagu wadaa inay ka soo qayb galaan dad faro badan oo maamuus ku leh isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan.

Diyaariye:Abdulkadir Issa

10 Febaury 2010 Waagacusub Media

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

Chat Miss Somali
Chat Miss Somaliland