Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

        Miss Somali Live Chat -Somali Girls - Guurdoon-Sheeko iyo Shukaansi

(English) (Somali) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV)  
 
Waagacusub Independent Somali Journalists Home Media 2010
 

Kooxda K/Cagta Galmudug State oo 6—2 uga badisay Kooxda Waajeexaa wareegga labaad ee tartanka nabadda Muqdisho

Garoonka ciyaaraha Ex-Fiyoore ee bartamaha magaalada Muqdisho waxaa ka socda tartan ciyaareed dhinaca K/Cagta ah, kaasi oo dhex maraya kooxaha ka dhisan dalka gudihiisa, gaar ahaan ciyaartoyda Seria,B-da, iyadoo daawashada ciyaartaasina ay ka soo qeyb galaan dadweyne fara badan oo gaaraya boqolaal.

(English) (Music) (Chief editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV) (Sheeko)

Tartan ciyaareedka ayaa labaatanka kooxood ee ciyaaraya waxay ugu tartamayaan koob loo dhigay nabadda Muqdisho, kaasi oo ay la carraabi doonto hadba kooxdii iyadu ka badisa 19-ka kooxood ee tartanka ka qeyb gelaya.

Kooxda Galmudug State ayaa ku guuleysatay inay iyagu hoggaamiso wareegga labaad ee ciyaartaasi, kaddib markii 6—4 ku dardartay kooxdii la ciyaareysay oo lagu magacaabo Waajeexaa, inkasta oo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar wanaag ay si weyn u xiiseeyeen dadkii daawanayay.

Guddoomiyaha kooxda Galmudug State Md. Maxamed Cabdi Xasan (Harag Shabeel) ayaa ka hadlay tartan ciyaareedka K/Cagta ee lagu maamuusayo nabadda magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay Harag Shabeel inuu ku rajo weyn yahay kooxdiisa inay hanato koobka.

“In kasta oo kubaddu tahay cad iyo madow, hadana anigoo ku kalsoon kooxdeyda Galmudug State xirfadda ciyaareed iyo diyaar garoga ka muuqda” ayuu yiri Guddoomiyaha kooxda Galmudug oo dhinaca kale sheegay in kooxdiisu ay ku jiraan ciyaartoy aan marnaba kubbadda la dhaafin karin shabaqa gooshooda.

Md. Maxamed Cabdi Xasan (Harag Shabeel) ayaa ka warbixiyay asaaska kooxda K/Cagta Galmudug State, isagoo sheegay inay gacan ka geysteen shirkado, hay’ado iyo shaqsiyaad jecel horumarinta Isboortiga, kuwaasi oo ilaa iyo maanta taageero dhinac walba leh la garab taagan kooxda K/Cagta Galmudug State.

--
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Senior Somali Sports Journalist
Sports Chief Editor
www.ciyaaro.com & www.waagacusub.com

31 Janaury 2010 Waagacusub Media

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

Chat Miss Somali
Chat Miss Somaliland