Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay ku guuleysatay tijaabada Hub Nuclear

0
Sunday September 03, 2017 - 14:48:34 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay ku guuleysatay tijaabada Hub Nuclear

    Dowlada Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay ku guuleysatay tijaabada Hub Nuclear

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay ku guuleysatay tijaabada Hub Nuclear

 Waqooyiga Kuuriya ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleysatay tijaabada hub Nuclear, kaasoo dhaliyay dhul gariir xooggan oo laga dareemay meelo kala duwan.

Tijaabada Hydrogen ayaa ah mid ka awood badan bamka atoomikada, kaasoo xambaari kara Gantaalada ridaddada dheer.

Telefishinka Waqooyiga Kuuriya ayaa shaaca ka qaaday inuu tijaabiyay hubka Nuclear ee Hydrogen-ka.

Saraakiil ka tirsan waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay in tijaabida ay sii horumarineyso qorshaheeda Nuclear-ka.

Bishii September ee sanadkii 2016 ayay aheyd markii ay tijaabisay Nuclear, iyadoo arrintaas ay ka dhalatay cunaqabateyn Golaha Ammaanka ku soo rogay iyo cadaadis caalami kaga yimid, si culeys loogu saaro barnaamijkeyga horumarinta hubka iyo tijaabinta gantaalada gaari kara Mareykanka.

Tijaabada hubka Nuclear-ka ayaa waxaa walaac ka muujiyay dalka deriska la ah ee Koofur Kuuriya oo ku baaqday in xaaladan isha lagu haayo.

Waqooyiga Kuuriya ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay waday tijaabinta gantaalada isugu jira kuwa Ballastika ridada dheer iyo ridada dhexe.

Arrintan ayaa sii xoojineysa xiisada ka taagan gobolka, iyadoo dhowaan dhoolatus milateri oo wadajir ay sameeyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Koofur Kuuriya.waxaa sii kordhaya cadawada dowlada mareekanka iyo waqooyiga kuuriya geesta kale dowlada ruushka iyo china ayaa ku baaqay in lagu xaliyo arintaan qaab wada hadal 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...