In ka badan 30 Askari oo ka tirsan ciidamada new police ka itoobiya oo lagu dilay dagaal ka dhacay

0
Sunday September 03, 2017 - 18:11:10 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan 30 Askari oo ka tirsan ciidamada new police ka itoobiya oo lagu dilay dagaal ka dhacay

    In ka badan 30 Askari oo ka tirsan ciidamada new police ka itoobiya oo lagu dilay dagaal ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 30 Askari oo ka tirsan ciidamada new police ka itoobiya oo lagu dilay dagaal ka dhacay

Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha Degmadda Mieso ee Galbeedka Gobalka Harargeey ee Bariga Ethiopia.

Wargeyska Addis Standard ayaa manta qoray in sidoo kale dagaalkaasi lagu dilay ama lagu dhaawacay Tobaneeyo ka tirsan  Ciiddanka Liyu Police ee hoos taga Dowlad-gobaleedka Soomaalida-Ethiopia.

Sida laga soo xigtay Goobjoogayaal waxay sheegeen inuu dagaalkaasi u dhexeeyey kooxo ka tirsan dadka Deegaanka iyo Ciiddamo aad u hubeysnaa oo ka tirsanaa Liyu Police.

Mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo lagu magacaabo C/ladiif Kerero ooFarriin qoraal u diray Wargeyska Addis Standard ayaa sheegay inaysan u dul qaadan Karin in raggooda la dilo, la kufsado gabdhooda iyo in Burcadda taageeradda ka hela Liyu Police dhacaan Lo’da dadka Deegaanka, waa sida uu hadalka u yiri.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray in Toddobaadkii hore Weerar noocaasi ah uu ka dhacay Degmadda Chinakson ee Bariga Harargeey iyo Deegaanadda ku xeeran.

ska horimaadkaasi ayaa la sheegaay inay bilowdeen dhowr bilood ka hor, iyadoo dadka Deegaanka ka soo horjeedaan xubno ka tirsan Ciiddanka Liyu Police oo ku sugan Deegaankooda.

Ciiddanka Liyu Police ee sida Milliteriga u tababaran ayaa lagu eedeeyaa inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida ku nool Bariga Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaana Ciiddankaasi mararka qaarkood lagu eedeeyaa inay Bililiqo, Kufsi iyo Dilal aan sharci ahayn u geysteen dadka rayidka tan iyo markii Ciiddankaasi la asaasay bishii April ee sannadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, cadadkii manta ee Wargeyska Addis Standard waxa kale oo uu qoray inay Ciiddanka Liyu Police bishii March ee sannadkii 2007-dii hawlgalo ka fuliyeen Koonfurta iyo Bariga Gobalka Oromia, halkaasi oo la sheegay inay ku dileen in ka badan 100-qof, sida uu qoray Wargeyska Addis Standard.

Maamul-gobaleedyadda Soomalida iyo Oromadda ayaa isku haysta Lahaanshaha Degmooyina iyo Tuullooyin ku yaalla xuduudka labada Maamul, iyadoo Qowmiyadda Oromadda sheeganayso Deegaanadaasi.wixii warar ah oo kusoo kordha waxaad waan inii soo gudbin doona haduu alle ka raali noqdo wararka iyo wixii kusoo kordha kala soco www.waagacusu.com


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...