War dag dag ah -Los Angeles oo Dab loogaga qaxayo iyo Texas oo Biyo loogaga qaxay (Sawiro)

0
Sunday September 03, 2017 - 23:51:38 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War dag dag ah -Los Angeles oo Dab loogaga qaxayo iyo Texas oo Biyo loogaga qaxay (Sawiro)

    War dag dag ah -Los Angeles oo Dab loogaga qaxayo iyo Texas oo Biyo loogaga qaxay (Sawiro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War dag dag ah -Los Angeles oo Dab loogaga qaxayo iyo Texas oo Biyo loogaga qaxay (Sawiro)

Dalka Maraykanka ayaa toddobaadkan waxaa uu wajahayaa masiibooyin rabaani ah kadib markii duufaano iyo dab ay isugu darsameen qaar kamid ah gobolada dalkaas.

Duufaan loogu magac daray Harvey ayaa ku dhufutay toddobaadkan gobolka Texas iyadoo lagu sheegay inay tahay tii ugu xoogga weyneyd oo muddo konton sano ah gobolkaas lagu arko. Halka labadii maalmood ee la soo dhaafayna dab uu ka holcayo keynta galbeed ee magaalada Los Angeles.

Duufaanta Harvey oo bilaabtay 25kii bishii hore ee August ayaa dadka ku dhintey lagu qiyaasay 47 ruux halka ay hal malyan oo kalana ku barakaceen waxaana biyaha duufaantan ay keentay ay dhex ceegaagaan dhul  baaxadiisu ay gaareyso 500km.

Khasaaraha duufaantan laga dhaxlay ayuu guddoomiyaha gobolkaas ku qiyaasay inay gaareyso $180bn”Boqol iyo siddeetan Bilyan oo dollar).

Dhinaca kale, dab xoog leh ayaa qabsaday keynta Waqooyi magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Maraykanka ee Los Angeles iyadoo dabkaasna lagu sheegay inuu yahay kii ugu weynaa ee abid soo mara Los Angeles.

Dabkan La Tuna Fire ayaa waxaa uu bilowday Jimcihii aynu ka soo gudubnay waxana uu illaa iyo hadda gaaray dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 5,000-acre ama (2,023-hectare).

Boqolaal qoys ayaa guryahooda ka barakacay iyadoo dabkuna uu si xowli ah ku sii socdo qasaare badana geysanaya marba marka ka sii dambeysa.

Hase yeeshee duqa magaalada Los Angeles Eric Garcetti ayaa  saxaafada u sheegay in marka laga reebo saddex guri oo  uu dabku baabi’iyay ma ahee, aysan jirin qasaare kale oo uu geystey.

Daminta dabka ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya illaa shan boqol oo shaqaalaha dab damiska ah, iyadoo boqolkiiba toban oo kaliya lagu guuleystey in la damiyo. dadka qaar ayaa ku tilmamaya arinkaan inee tahay mucjiso cad oo alle ku imtixanayo mareekanka wixi kasoo kordho dib ayaan idinkula soo socod siin doona haduu rabi idmo


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...