[Topnews:-] Xildhibaano saxiixay xilka qaadista Madaxweynaha Somalia oo qiyaano Qaran galay

0
Wednesday September 06, 2017 - 07:49:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 3
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Xildhibaano saxiixay xilka qaadista Madaxweynaha Somalia oo qiyaano Qaran galay

    Waagacusub.com - 110 Xildhibaano iyo Senatoro iskuugu jira ayaa saxiixay Mooshin lagu dalbaday in xilka looga qaado Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ku kacay qiyaano Qaran kadib markii uu jibiyay qodobadda 36 - 37 ee Dastuurka Feder

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - 110 Xildhibaano iyo Senatoro iskuugu jira ayaa saxiixay Mooshin lagu dalbaday in xilka looga qaado Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ku kacay qiyaano Qaran kadib markii uu jibiyay qodobadda 36 - 37 ee Dastuurka Federalka Somalia.

Mooshinkaan la doonayo in xilka looga tuuro Madaxweynaha Somalia ayaa loo gudbin doonaa sabtida Gudoonka Baarlamaanka labada aqal iyadoo kadibna loo horgeyn doono Maxkamadda sare ee dalka si ay u aqbasho in xilka qaadis lagu sameeyo Madaxweynaha 

dalka oo lagu eedeeyay inuu Sarkaal ka tirsanaan jiray Ciidanka xooga dalka Somalia oo la yiraa Abdulkariim Sheikh Muse Qalbi dhagax u dhiibay Dowladda Ethiopia taas oo ka dhigan inuu galay qiyaano Qaran maadama Dastuurka dalka Somalia uu xaquuq siinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed  iyo qaxootigaba ajnabiga  aan loo dhiibi karin dowladaha ay cabsi darteed uga soo baxsadeen .

Haddii Maxkamadda sare iyo guddigga dastuurka Baarlamaanka aqbalaan in impeachment lagu sameeyo Madaxweyne Farmaajo waxaa hubaala inuu xilkiisa waayi doono maadama uu yahay qarsoodi oo qof walba u codeeyn doono in shaqadda laga eryo.

Banaanbaxyo xoogan oo u muuqdo kacdoon dadweyne ayaa ruxay dal iyo dibad iyadoo banaanbaxayaasha ay ka careeysan yihiin sababta Sarkaal Somalia oo ka tirsan Jabhadda Gobanimadoonka Somalia loogu dhiibay Dowladda Ethiopia.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu Somalia dib ugu celiyay colaad,eex iyo qabyaalad haddana waxeey Xildhibaanadda baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ka naxeen kadib markii la ogaaday in Muwaadin Somalia oo aan Maxkamad la saarin si fudud loogu dhiibay Dowladda Ethiopia oo mudo dheer dabba joogtay kuna eedeeysay inuu dimbiile yahay.

Qodobadda dastuurka Somalia ee dadka qaxootigga waxeey dhigayaan.

  • .Qodobka 36aad. Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha ee dastuurka Somalia wuxuu u dhigan yahay sidaan:
  • (1)  Isucelinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha. 
  • (2)  Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha. 

Qodobka 37aad. Qaxootiga iyo Magangelyada ee dastuurka Somalia wuxuu leeyahay :-

  • (1)  Qof kasta oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab. 
  • (2)  Baarlamaanka Federaalka ihi waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka. 
  • Sikastaba ha ahaatee wuxuu Madaxweyne Farmaajo lumiyay taageeradii shacabka 80% waxaana suurtagala iney gudaha Somalia ka dhacaan rabshado sababa dhimasho iyo dhaawac haddii aan xal laga gaarin xiisadaha sii kordhaya.
  • By Dahir Alasow

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...