Xukun Lagu Riday Burcad-Baddeed Soomaali Ah Oo Ku Xiran Hindiya

0
Saturday September 09, 2017 - 16:56:45 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun Lagu Riday Burcad-Baddeed Soomaali Ah Oo Ku Xiran Hindiya

    Xukun Lagu Riday Burcad-Baddeed Soomaali Ah Oo Ku Xiran Hindiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukun Lagu Riday Burcad-Baddeed Soomaali Ah Oo Ku Xiran Hindiya

Wargeyska The Indian Express ayaa qoray in 60 Somali ka mid ahaa Burcad-baddeed ku xirnaa dalka Hindiya shalay la soo taagay Maxkamadda magaalladda Mumbai ee dalkaasi.

 

Eedeysanayaasha oo ka mid ah 118 Somali ku xirnaa dalkaasi ayaa lagu soo oogay inay sannadkii 2011-kii weerareen Markab Ganacsi oo marayey Xeebaha Somalia.

 

60-ka Eedeysane waxay qirteen Dembiyadii lagu soo oogay, oo ay ku jireen Burccad-baddeednimo iyo in markii ay Ciiddanka Badda ka soo qabteen Badda Somalia haysteen 10 Qoryaha AK 47 iyo 2 Baasuuke.Garsooraha Maxkamadda Mumbai oo lagu magacaabo JC Jagdate waxa uu 60-ka Eedeysane ku xukumay min 7 sanno ah iyo in dalkooda Hooyo ee Somalia loo masaafuriyo marka laga sii daayo Xabsiga.

Dalka Hindiya waxaa ku xiran 118 Maxbuus oo ku eedeysan Burcad-baddeednimo, kuwaasi oo muddo 6 sanno ku xirnaa Xabsiga magaalladda Mumbai.    wixii warar ah ee kusoo kordho waxaad kala socon doontan waagacucb.com


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...