[Wardegdega] Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

0
Monday September 11, 2017 - 09:20:17 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega] Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

    War dag dag ah Al-Shabaab oo saaka dagaal kula wareegay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War dag dag ah Al-Shabaab oo saaka dagaal kula wareegay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

 Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay saaka la wareegeen, kaddib markii ay weerar ku qaadeen.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalo culus oo saaka waabarigii hore ka bilowday duleedka degmada ayay Al-Shabaab ugu suura gashay inay gudaha u galaan.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa ku bilowday qarax xooggan oo lala eegtay saldhig ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Milateriga oo ku yaalla bariga degmada.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Degmada Beledxaawo ayaa ku taala xadka Kenya, waa degmo istiraatiiji ah, wararka ayaa sheegaya in dadkii deegaanka ay u qaxeen dhanka xuduuda Kenya.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Al-Shabaab ku qaadaan degmada Beledxaawo oo ka mid aheyd deegaanadii laga saaray sanadkii 2011.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku qaadeen bishan gudaheed ciidamada jubbaland iyo kuwa dowladda, iyadoo 3-dii bishan ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay ku lahaayene deegaanka Buulo Gaduud. Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ee ku ekeenayan deegano ka tirsan jubba land wixii wararkan kusoo kordho kala soco www.waagacusub.com


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...