Wax badan ka Ogow Qaraxyadii 11 September Ee Daaraha Mataanaha New York Warbixin

0
Monday September 11, 2017 - 22:01:25 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3032
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax badan ka Ogow Qaraxyadii 11 September Ee Daaraha Mataanaha New York Warbixin

    Wax badan ka Ogow Qaraxyadii 11 September Ee Daaraha Mataanaha New York Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax badan ka Ogow Qaraxyadii 11 September Ee Daaraha Mataanaha New York Warbixin

Maanta oo kale (Sept. 11) waxay ku beegan tahay 16-guuradii ka soo wareegtay Weerarkii loo adeegsaday Diyaaradaha Rakaabka ee la soo afduubtay ee bishii Sept. 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daaraha Mataanaha ee Xarunta Hanacsiga Caalamiga (World Trade Center) oo ku yaalla magaalladda New York.

Hadaynu yara milicsano Dhacdada Sspt. 11, ee sannadkii 2001-kii waxaa la sheegay inay 19 Djallinyaro ka tirsan Ururka Alqaacida oo Tababar Duuliye Diyaarad lahaa si xoog leh ku qafaasheen  4 Diyaarado Rakaab oo ay u adeegsadeen Weerarkaas lagu hoobtay.

Kooxihii weerarkaasi fuliyey oo tiradooda dhamayd 19 qof oo  10 ka mid ka soo jeedeen Sacuudiga, halka kuwa kalena ka soo kala jeedeen dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Lubnaan.

Waxay isku qeybiyeen 4 koox, kuwaasi oo  afduubtay 4 Diyaarad oo  2 ka mid ah lala beegsaday Tawarka Waqooyi iyo kan Koonfureed ee Daarihii Mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Caalamiga..

Sidoo kale, Hal Diyaarad ayaa lagu duqeeyey Dhismaha Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon-ka, halka midda kale la toogtay iyadoo aan gaarin dhismihii hadafka u ahaa.

Diyaaradahaasi waxaa 2 ka mid ah lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee United Airlines iyo American Airlines.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 2,995 qof, iyadoo in ka badan 6.000 oo kalena ku dhaawacmeen.

2,606 waxay ku geeriyootay Xaruntii Daaraha Mataanaha iyo deegaanadda ku xeeran, halka 125 kalena lagu dilay weerarkii lala beegsaday Xarunta dhexe ee Gaashaandhigga ee Pentoganka.
Haddaba, iyadoo aynu dul-mar kooban ku samaynay Dhacdadii September 11, ayaa waxaa soo baxay Caddaymo cusub oo lagu sheegay in Safaaradda Sacuudiga ku leeyihiin caasimadda Maraykanka ee Washington DC ku lug lahayd maalgelinta qaar ka mdi ah 19-kii qof ee fuliyey Weerarkii Diyaaradaha ee 16-sanno ka hor ka dhacay Mataykanka.
Wargeyska The Nork York Post ayaa maanta qoray Warbixin Cusub oo lagu sheegay in laga yaabo inay Safaaradda Sacuudiga ee Washington bixisay kharajkii Afduubayaasha u adeegsadeen Weerarkii Diyaaradaha ee Sept. 11.

Wargeyska ayaa qoray inay soo baxeen Caddaymo cusub oo muujinaya inay qoysaska ehelka la ah Kumaankii qof ee lagu dilay Weerarkii Sept. 11 doonayaan inay Dowladda Sacuudiga ku soo oogaan Dacwad kale.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...