Koox Ajaanib ah oo ku biiri rabay kooxda argagaxisada Al-shabaab oo lagu qabtay

0
Tuesday September 12, 2017 - 20:12:33 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Ajaanib ah oo ku biiri rabay kooxda argagaxisada Al-shabaab oo lagu qabtay

    Koox Ajaanib ah oo ku biiri rabay kooxda argagaxisada Al-shabaab oo lagu qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox Ajaanib ah oo ku biiri rabay kooxda argagaxisada Al-shabaab oo lagu qabtay

Afar ruux oo u dhalatay dalka Burundi ayaa lagu qabtay saaka deegaanka Merile ee Isiola dalka Kenya iyagoo doonaya inay ku biiraan maleeshiyaadka Alshabaab.

Booliska ayaa sheegay in raggan ay ka soo tageen magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, iyagoo iska dhigaya dalxiisayaal.Balse waxa ay safar kale ka bilaabeen iyagoo sii dhex maraya magaalada Isiola, Mandera kadibna u gudbaan dalka Soomaaliya.

Raggan ayaa markii ay ciidamada Booliska ay su’aalo ku weydiiyeen xarun lagu baaro gaadiidka ayaa waxa ay sheegeen inay doonayeen in ay ku biiraan ururka Alshabaab.

Afarta ruux ee la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay  Ntakarutimana Benerd, 41 jir ah, Niyongere Yusuf oo 32 jir ah, Nshimirimana Fulgnce Shadady 31 sano jir ah iyo Bizoza Abderauf oo isaguna 20 sano jir ah.

Booliska dalka Kenya ayaa sidan oo kale bishii June waxa ay ku qabteen shan dhalinyaro u dhalatay dalka Kenya waxaa lagu xirey isla deegaankan iyagoo doonaya inay ku biiraan ururka Alshabaab. wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco www.waagacusub.com


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...