War bixin ku sabsan dagaalyahano Ka Tirsan Daacish Oo La Sheegay Inay U Soo Talaabeen Dalal Ay Somalia Ku Jirto

0
Wednesday September 13, 2017 - 13:55:00 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War bixin ku sabsan dagaalyahano Ka Tirsan Daacish Oo La Sheegay Inay U Soo Talaabeen Dalal Ay Somalia Ku Jirto

    War bixin ku sabsan dagaalyahano Ka Tirsan Daacish Oo La Sheegay Inay U Soo Talaabeen Dalal Ay Somalia Ku Jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War bixin ku sabsan dagaalyahano Ka Tirsan Daacish Oo La Sheegay Inay U Soo Talaabeen Dalal Ay Somalia Ku Jirto

Xiriiriyaha Midowga Europe ee La-dagaalanka Argagixisadda, Gilles de Kerchove oo Wareysi siiyey Wargeyska WELT ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa sheegay inay qaar ka mid ah Dagaalamayaasha Daacish ee ka soo firxaday dagaalladda Syria iyo Iraq laga yaabo inay u soo dhaqaaqeen Deegaanadda kale ee ay Kooxaha Islaamiyiinta ka dagaalamaan.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dagaalyahanno ka tirsan Daacish ee lagu jebiyey Dagaalladda ka socday Iraq iyo Syria inay u soo firxadeen Somalia ama Yemen.

Gilles de Kerchove waxa uu tilmaamay in guul-darradda Daacish ku lumiyeen xuduudahoodii soo af-jari doonin Cabsida laga qabo falalka Argagixisada ee Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Xiriiriyaha Midowga Europe ee La-dagaalanka Argagixisadda, Gilles de Kerchove ayaa sheegay in Ku-dhawaad 2,500 oo dagaalyahano ka tirsan Daacish ku sugan yihiin dalalka Europe..

Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxda Daacish leeyihiin 5.000 oo Dagaalyahano ka soo jeeda dalalka Europe, kuwaasi oo ka dagaalama dalalka Iraq iyo Syria.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay 1,500 Dagaalyahan ku soo laabteen dalalka Europe, halka 1,500 kalena lagu dilay dagaalladii ka dhacay Iraq iyo Syria.

Si kastaba haahaatee, sida laga soo xigtay Saraakiisha Maraykanka waxay ku qiyaaseen  ilaa 13,000 oo Dagaalyahano Daacish ah ka soo firxadeen dalalka Syria iyo Iraq


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...