[Sir Culus ] Xildhibaan Xidig "Kulanka dambe ee Wasiiradda waxaa lagu bedelayaa Calanka iyo Khariiradda Somalia"

0
Thursday September 14, 2017 - 21:47:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 13071
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Sir Culus ] Xildhibaan Xidig "Kulanka dambe ee Wasiiradda waxaa lagu bedelayaa Calanka iyo Khariiradda Somalia"

    AKHRISO: Xildhibaan Xiddig oo soo diray Farriin Qiiro iyo Naxdin wadata [Talo uu siiyay Farmaajo]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKHRISO: Xildhibaan Xiddig oo soo diray Farriin Qiiro iyo Naxdin wadata [Talo uu siiyay Farmaajo]

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mida xubnaha Baarlamaanka Federaalka ayaa farriin qiiro iyo naxdin isugu jirta u diray dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka deyriyay xaaladda dalku ku socdo, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay, inuu uga tago halkii uu ugu yimid talada intii uu taariikh mugdi ah gelin lahaa Soomaaliya.


Loading...

HOOS KA AKHRISO FARRIINTA XILDHIBAANKA

Asc, waxan jecleystay inaan shacabka somaliyed gudaha iyo dibada la wadaago arintan.

Jiritaanka Somali weyn waxay ku jirtaa khatar, waad Aragteen Madaxweynihi, waad Aragteen Golihii wasiirada, waad aragteen Aqalki sare , Shaleyna waxad goobjoog u ahaydeen Golihi shacabka.Shacabka somaliyeed waxan ugu baaqayaa inay Dadka iyo Dalka Badbaadiyaan.

Waxan idin sheegayaa Ajendaha shalay midka ku xiga waa in la bedelo Calanka iyo khariidada Soomaaliyed. Somaliyey waxan qabaa cabsi ah in 95% Golaha wasiiradu ogolan doono bedelida calanka kadibna ay xoolaha qaranka ku bixin doonaan sidi golayasha kale u ansixin lahayen.

Waad aragteen Baddeena waxa muran geliyay warqad yar oo laba wasir kala saxiixatay, oo weliba baarlamanki xiliga jiray uu si cad u diiday oo weliba xukumadi xiligaa jirtay xilkii looga qaaday.

Waxan usoo jeedinayaa shacabka soomaaliyeed inay hurdada ka toosaan dadkooda iyo dalkoodana ilaashadan kulana xisaabtamaan cid kasta masuuliyada ay hayso.

Madaxweyne farmaajo waxan leeyahay:

Somaliya marba meel ayey tabarteedu joogtay xili ay gumeysi ku jirtay xili ay inta maqan raadineysay, xili ay burbur ku jirtay iyo hada oo la filayay inay madaxa kor u qaado.

Dhamaan dowladihii xiligii ku meel gaarka waxay ka fogaadeen in la taabto daayee in laga hadlo ama su,aal la geliyo somalinimada iyo dhulkooda. madaxweyne farmaajo Hadaadan soomaali wax ku kordhineynin bilaa caleeg bi kuli ixtiraam kaga tag halki aad ugu timid oo ahayd Somali nimo, is jacayl iyo Midnimo. Hana horseedin taariikh mugdi ah.

Golaha Shacabka iyo Aqalka sare waxan leeyahay shacabku inagu ina doortay , inta kalena inagaa dooranay oo ansixinay war halaga daayo meesha lagu wado, war halaga daayo meesha lagu wado, war halaga daayo meesha lagu wado.

Intaas aan idinku ekeeyo koley qaar badan oo qabyaaladi ka buuxdo way so caytami lakin keena wadaniga iyo keena cid kale u shaqeeya ilaahay ayaa so qaban, wakhtiguna wu fashili shacabkuna waa markhaati. Kalo garo sir iyo caad.

By Cabirashiid Xiddig

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...