[Topnew:-] illahii dhaqaalaha Somaliland oo xirmay iyo xaalad adag.

0
Sunday September 17, 2017 - 07:46:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8178
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Topnew:-] illahii dhaqaalaha Somaliland oo xirmay iyo xaalad adag.

    Waagacusub.com - Shacabka Somaliland ayaa wajahay xaalado adag kadib markii ay isu biirsadeen shaqo la'aan iyo Sicir barar . Dekadda Berbera oo aheyd udub dhexaadka ama isha ugu wanaagsan ee Maamulka Somaliland ka heli jiray daqliga ugu badan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Shacabka Somaliland ayaa wajahay xaalado adag kadib markii ay isu biirsadeen shaqo la'aan iyo Sicir barar . Dekadda Berbera oo aheyd udub dhexaadka ama isha ugu wanaagsan ee Maamulka Somaliland ka heli jiray daqliga ugu badan ayaa xiran ,iyadoo ay Dekadda ku xiran yihiin Maraakiib bishii July timid oo sida badeecado kala duwan .

Shaqaalahii iyo shacabkii Berbera ayaa banaanbaxyo dhigaya iyadoo aysan wax alaaba oo lagu shaqeeya keenin Shirkadda Emirate-ka laga leeyahay ee DPWorld.

Isha labaad ee dhaqaalaha Somaliland ayaa ahaay Canshuurta ay ka heli jireen Khaat-ka dhinaca Ethiopia ka yimaado hasse yeeshee kastankii Kalabeeydh ayaa iminka xirmay .

Qiimaha adeegyadda kala duwan ee Somaliland ayaa cirka isku shareeray , iyadoo dhinaca kalena halkii dollar iminka lagu sarifto toban kun oo lacagta Shilin-ka Somaliland ah.

Xilligii Dahir Reyale Kaahin sarifka lacagta dollarka markii ugu sareeysay wuxuu gaaray lix kun Somaliland shilin laakiin hadda wuxuu marayaa toban kun Land taas oo sawir walaac badan huwan ka bixineysa heerka nolosha dadka danyarta iyo Mahadhooyinka uu sababay musuqmaasuqa baahay ee Maamulka Siilaanyo.

Musuqmaasuqa maamulka Somaliland ayaa faraha ka baxay, waxaa la gatay guud ahaan dhulkii danta guud , iyadoo markii la dhameeystayna ugu dambeeyn la xaraashay Line-kii Boliiska Hargeysa oo ku yaal bartamaha Magaaladda.

Taladda Maamulka sida muuqata waxeey gacanta ugu jirtaa Haween kaashanaya rag la qabiila Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo Dowladnimadii hanaqaadeeysay xilligii Dahir Reyaale meesha ka saaray , wax walbana ku cabiray rabitaankoodda sababay dib u dhac la rumeeysan yahay iney adkaan doonto sida Somaliland uga soo kabato sanadaha dhaw.

Inkastoo Musharaxa Xisbigga Kulmiye Muse Biixi Cabdi safar lacag raadisa ku jooga Emirate-ka Carabta hadana Xisbigga taladda hayo ee Kulmiye wuxuu u muuqdaa mid dabeeyshii Xisbigga Udub galaafatay oo kale ay ruxeeyso .

Sikastaba ha ahaatee, waxaa aad u yar rajadda laga qabo iney shacabku doortaan Musharax ka socda Xisbigga Kulmiye maadama ay astaan u noqdeen Musuqmaasuq baahay, sicir barar iyo Cadaalad daro ka gudubtay xilliyadii biyo ka hoos laga eeggi jiray.


Loading...



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...