[Topnews] Gudigga Doorashooyinka Hirshabelle oo dhacay sideetan kun oo dollar $80,000

0
Tuesday September 19, 2017 - 08:54:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4543
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Gudigga Doorashooyinka Hirshabelle oo dhacay sideetan kun oo dollar $80,000

    Waagacusub.com - Gudigga Doorashooyinka ee loo xilsaaray miisaaniyada iyo Qarashaadka ku Baxaya xiliga doorashada ayaa leexsaday lacago laga qaaday 8-da Musharax ee u tartameysay jagadda Madaxweynenimo ee Maamulka Hirshabelle ka dib markii xildhibaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Gudigga Doorashooyinka ee loo xilsaaray miisaaniyada iyo Qarashaadka ku Baxaya xiliga doorashada ayaa leexsaday lacago laga qaaday 8-da Musharax ee u tartameysay jagadda Madaxweynenimo ee Maamulka Hirshabelle ka dib markii xildhibaano tira yar oo aan dhameeyn koorankii sharciga ahaay sheegeen iney kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble oo ilaa iyo haatan diidan in cid kale madaxweyne ka tahay Hirshabelle isaga mooyee .

Musharaxiinta ayaa horey looga qaaday midkiiba 10,000 kun oo sharuud ahaan looga dhigay cid kasta oo sharaxan in ay bixiso balse nasiib daro lacagtaasi waxay gashay jeebka Gudiga oo si aan sharci aheyn ku leexsaday .

Muran iyo qalalaase badan ayaa ka taagan Magaalada Jowhar waxayna gudiggu qaarkood ka caroodeen lacagta lala baxsaday,iyadoo xubnaha qaarkood ay telefoonka qaban diideen sida Afhayeenka gudigga cabdiweli oo isagu Afka u dhigtay lacagta inteeda badan

Gudoomiyaha gudigga ayaa sheegay in uu dhowr jeer telefoon ka wacay Afhayeenka gudigga balse qaban waayey taasina ay ku riday kalsooni daro ka marqaati kacday iney xubnaha guddiggaas u shaqeeyn si xalaala ah maadama markii horeba ay qabteen doorasho aan sharci aheyn maadama Madaxweynaha Sharciga ah ee HIRSHABELLE loo awood sheegtay oo qaab qabiil looga eryay Jowhar.

Xildhibaanada qaarkood ayaa arrinta ka carooday waxayna ballanqaadeen iney si deg deg ah arrinta u faragalin doonaan iyaga oo xusay in ay aad uga xun yihiin in shaqsiyaad ay dhacaan lacagtii gudigga doorashooyinka hirshabelle lagu aaminay taasi oo loogu talagalay in lagu socodsiiyo howlo badan oo gudiga horyaal .

gudiga doorashooyinka hirshabelle ayaa horey cabooyin kaga imanayeen bulshada maamukaasi waxaana dhacday in ay marar badan is hortag ku sameeyaan arimaha xasaasiga ah ee musharaxiinta sida koronto damin, jid gooyo iyo iyada oo qaab dalaalnimo u adeegsada xilka loo magacaabay xiliyada doorashada iyo marka uu socdeen Mooshino.

isku soo wada duuboo ma jirto wax isku kalsoonaan ah oo ka dhaxeeya xubnaha gudigga doorashooyinka maamulka hirshabele iyo masuuliyiinta maamukaasi ka dib dhicii lacagtii laga qaaday musharaxiintii u tartameysay doorashadii ka dhacaday magaalada Jowhar ee Xaruntq Maamulka Hirshabelle.

Tan iyo markii doorasho beenaadkaas dhacday waxaa ka aamusay beesha Caalamka oo aan Hambalyo u dirin ninka Suuqa Madoow lagu doortay ee Mr Waare.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...