Xildhibaan Fiqi "Sharciga Saxaafadda, wuxuu u egyahay sida sharcigii xilligii Milateriga"

0
Sunday September 24, 2017 - 12:50:37 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Fiqi "Sharciga Saxaafadda, wuxuu u egyahay sida sharcigii xilligii Milateriga"

    Xildhibaan Fiqi "Sharciga Saxaafadda, wuxuu u egyahay sida sharcigii xilligii Milateriga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Fiqi "Sharciga Saxaafadda, wuxuu u egyahay sida sharcigii xilligii Milateriga"

Iyadoo shalay Xildhibaanada Golaha shacabka la horgeeyay wax ka bedelka lagu sameeyay sharciga Saxaafada, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay ku tilmaameen sharcigan mid caburinaya saxaafada.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ka hadlay sharcigan ayaa sheegay in Caalamka uu xilligan ka maamrmay Wasaaradadihii Warfaafinta, isagoo xusay in qodobada qaar ee sharciga saxaafada ay ku jiraan kuwo wax badan mamnuucayo.

Caalamka aan hada joongo dowladaha dimoqraadiga ee casriga Wasaarad warfaafin dhan ma lahan, waxaa loo baahan yahay saxaafada xorta ah, xataa Telefishin dowladeed oo Qaran inta badan ma jiro”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in sharciga Saxaafada markii uu dib u fiiriyay uu u egyahay sharcigii xilligii Milateriga dalka xukumayay, kaasoo lagu caburinayo saxaafada madaxa banaan.

"Markaan dib u qooraansaday oo aan fiiriyay wuxuu ila egyahay sharciga xilligii milateriga dalka uu maamulayay, mid kuligiis wax mamnuucayo, ruqsad la diidayo, shati lala noqonayo iyo ciqaab meelaha qaarkood aan la xusin, diiwaan gelinta la dhibay, wasaarada warfaafinta awoodii dhan ayay qaadatay, guddiga saxaafada awood weyn ma lahan, kaliya talooyin ayay ku leeyihiin”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/rxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa shalay Golaha shacabka horgeeyay sharciga saxaafada oo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta ay walaac ka muujiyaan qodobada qaar.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...