Gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haween oo lagu rasaaseeyay degmada Xamar weyne

0
Wednesday September 27, 2017 - 16:04:44 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haween oo lagu rasaaseeyay degmada Xamar weyne

    Gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haween oo lagu rasaaseeyay degmada Xamar weyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haween oo lagu rasaaseeyay degmada Xamar weyne

Faah faahin ayaa ka soo baxaya gaari Kooxo hubeysan ku rasaaseeyeen Wadada Via Roma ee degmada Xamar Weyne, iyadoo labo ruux lagu dilay, halka qof kale ku dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan oo watay gaari ay rasaaseeyeen gaari la sheegay inay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuula Sheekh Axmed Gabale.

Labada ruux ee lagu dilay gaariga ayaa waxay kala ahaayeen Canab C/llaahi Xaashi oo ka mid aheyd Ururka Haweenka Qaranka iyo Axmed Jaamac oo la sheegay inay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuula Sheekh Axmed Gaballe.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raggii hubeysnaa ee gaariga saarnaa ay goobta ka baxsadeen, markii ay weerarka fuliyeen.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa u suura gelin inay soo qabteen dableydii hubeysneyd ee weerarka ka dambeeyay. wixii warar ah ee kusoo kordho dib ugu  milicso www.waagacusub.com


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...