Madaxda Maamul goboleedyada oo war murtiyeed ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

0
Wednesday September 27, 2017 - 16:12:47 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Maamul goboleedyada oo war murtiyeed ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

    Madaxda Maamul goboleedyada oo war murtiyeed ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Maamul goboleedyada oo war murtiyeed ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

Madaxda shanta maamul goboleed ee dalka ayaa goor dhow soo saaray war murtiyeed wadajir ah oo ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee sii murgeysa ee ka jirta dalka, iyagoo ka digay in gaabis ku yimaado iskaashiga iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Bogga waagacusub.com ayaa heshay nuqul ka mid ah war murtiyeedkan, waxaana xiriiro ay la sameysay xubno ku dhow dhow Maamul goboleedyada loogu xaqiijiyay jiritaanka warqadan iyo in Madaxweynayaasha ay taleefan ku wada hadleen, si loo soo saaro war murtiyeed wadajir ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu lahaa abaabulka ah in la soo saaro war murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxa Madaxda Maamul goboleedyada.

War murtiyeed ayaa lagu cambaareeyay fara gelinta lagu haayo dowlad goboleedka Galmudug iyo sida ay u maareyneyso dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ismaandhaafka ka dhashay Khilaafka Khaliijka uu jiro olole, abaabulo iyo faragelin toos ah oo ku wajahan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, isla markaana ujeedkeedu yahay in Madaxweynaha lagu majaxaabiyo, arrintan oo qeyb ka tahay dowladda Dhexe.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa cambaareeyay go’aanka ka soo baxay xubno ka mid ah Baarlamaanka Galmudug oo ay sheegeen inay xilka uga qaadeen Madaxweyne Xaaf, waxaa ay ugu baaqeen Hoggaanka sare ee dowladda inay ka noqdaan go’aanka ay ku sheegeen inay ku taageersan yihiin hadalka ka soo yeeray Cadaado.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...