[Wardegdega:] Madaxda Galmudug iyo HirShabelle oo ka degay Kismaayo iyo Ra'isulwasaaraha oo Xaaf wacay ?

0
Sunday October 08, 2017 - 10:13:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8260
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega:] Madaxda Galmudug iyo HirShabelle oo ka degay Kismaayo iyo Ra'isulwasaaraha oo Xaaf wacay ?

    Waagacusub.com - Ra'isulwasaaraha Farmaajo ayaa telefoon ku wacay Xalay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Duale Geelle Xaaf isagoo ka codsaday iney si degdega ugu kulmaan Cadaado ,ugu dambeeyn maanta hasse yeeshee Xaaf ayaa u sheegay Xasan Cali Kheyr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ra'isulwasaaraha Farmaajo ayaa telefoon ku wacay Xalay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Duale Geelle Xaaf isagoo ka codsaday iney si degdega ugu kulmaan Cadaado ,ugu dambeeyn maanta hasse yeeshee Xaaf ayaa u sheegay Xasan Cali Kheyre iney wada kulmi doonaan marka uu ka soo laabto Shirka madaxda Maamul goboleedyadda ee Kismaayo .

Sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen dad la joogay labada dhinac wuxuu Ra’isulwasaaraha ugu jawaabay Xaaf " Madaxweyne waxaan rabbaa inaan subaxdii ka soo dego Cadaado si aan u xalino khaladaadkii aan galnay Xukumad ahaan,waxaana kaa codsanayaa inaad safarkaaga berri ee Kismaayo joojisid adigoo eegeeysid danta guud ee Qaranka”

Madaxweyne Xaaf ayaa Ra’isulwasaaraha uga cudurdaartay codsigiisa wuxuuna sheegay inuusan ka baaqan karin shirka Kismaayo.

Sikastaba ha ahaatee ,wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Galmudug oo iskuugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa saakay ka degay Kismaayo ,iyadoo dhinaca kalena ay gaareen Kismaayo Wasiiro iyo Xildhibaano ka socday Maamulka HirShabelle maadama Madaxweynahooda Mr Aarre uu ku maqan yahay Nairobi.

Sida muuqata Farmaajo iyo Kheyre waa ku guuldareeysteen iney shirkaas joojiyaan, waxeeyna ugu yaraan awoodi waayeen iney xanibaan duulimaadka diyaaradaha.

Wasiirka Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa Ra’isulwasaaraha Farmaajo telefoon kula hadlay laba habeen ka hor,wuxuuna ka dalbaday iney raaligelin buuxda ka bixiyaan qaladaadkooda sida burburintii HirShabelle, qalalaasahii Galmudug iyo dhiibistii Muwaadin Cabdikariim Sheekh Muse QALBI DHAGAX.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...