[Sirculus:-] Baabuurka isku qarxiyay Muqdisho oo Talyaniga laga iibshay iyo sida qaraxaas loo maleegay.

2
Sunday October 15, 2017 - 11:31:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 21610
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 7 6
  • Share via Social Media

    [Sirculus:-] Baabuurka isku qarxiyay Muqdisho oo Talyaniga laga iibshay iyo sida qaraxaas loo maleegay.

    Xog muhiima ayaa laga helay baabuurka isku qarxiyay KM5 Muqdisho ee ay ku dhinteen dad tiradoodu lagu qiyaasay 1230 qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 1360 qof.sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salad iyo Xil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog muhiima ayaa laga helay baabuurka isku qarxiyay KM5 Muqdisho ee ay ku dhinteen dad tiradoodu lagu qiyaasay 1230 qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 1360 qof.sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salad iyo Xildhibaano la socday oo booqday Isbitaaladda Digfeer iyo Madiino.

Baabuurka oo nuuciisu yahay nuuca Ciidanka isticmaalaan ee BG loo yaqaan wuxuu ka mid ahaay 13 Baabuur oo iskuugu jiray TM iyo BG lagana iibshay dalka Talyaniga.

"Baabuurta Ciidanka adeegsadaan ee BG oo ka mamnuuc ah in Talyaniga laga dhoofiyo ayaa lagu furfuray gudaha dalkaas kadibna iyagoo furfuran ayaa la geeyay Dalka Belgium kadibna waxaa laga dhoofiyay dekadda dalkaas. sida ay xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Hay’adaha Sirdoonka” ayuu yiri masuul xog ogaala oo Waagacusub la soo xiriiray.

"Dowladda Talyaniga ayaa ogaatay in baabuurtaas 13-ka si qarsoodiya loo dhoofiyay kadibna waxeey biloowday baaris ay ku ogaatay halka lacagta laga soo diray iyo dadkii suuqa Madoow ku iibsaday Baabuurta”.ayuu yiri Sarkaal Sirdoon oo codsaday inaan magaciisa loo adeegsan Warbaahinta.

Xog Waagacusub Media uu ka helay ila wareedyo muhiima ayaa lagu xaqiijiyay in lacagta baabuurtaas lagu geday  laga diray Muqdisho ,loona diray Nin Duduble ah oo Xawaaladda Taaj Express uga wakiila Austria isagoo markii dambe lacagtaas u xawilay nin u dhashay beesha Reer Aw Xasan , lana dhashay Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Dahir.

Ganacsadaha reer Aw Xasan oo la yiraa Sheekh Xasan ayaa dalka Talyaniga ku leh Shirkad la yiraa ileys laakiin sida la xaqiijiyay umma diiwaangashana Xawaalad uu si suuq madoow ah Wakiil ugu yahay dalkaas.

Sirdoonka Talyaniga ayaa qabtay Sheekh Xasan iyo dad badan oo falkaas ku lug lahaay,waxaana lala xiriirshay iney baabuurtaas u gudbiyeen argagixisadda Al-Shabaab ee qaraxyadda ka geeysta gudaha Somalia.

inkastoo dadkii 13-ka baabuur dhoofiyay ay Maxkamad sugayaal yihiin sida Waagacusub Media ogaatay hadana afar baabuur oo kan isqarxiyay ka mid yahay ayaa la geeyay Shabeeladda hoose halkaas oo qaraxyadda lagu soo raray.

"Baabuurka oo qaraxyadda ku raran ayaa lagu joojiyay kontorool ku yaal inta u dhaxeeyso Afgooye iyo Muqdisho laakiin waxaa halkaas tegay oo soo damiintay nin caana” ayuu yiri Abdinur oo ka mida Saraakiisha NISA ee ka hoowlgala degaanka Afgooye.

Dhinaca kalena Baabuurka markii laga dejiyay Dekadda Muqdisho waxaa jira nin saxiixay oo isagga magaciisa kula baxay.

"Baabuurka BG oo Somalida u taqaan TM ayuu bartilmaameedkiisu ahaay inuu Hotel Safari oo ay ku shirayeen Odayaal u dhashay beesha Habargidir  isku qarxiyo  balse wuxuu  Isgoyska Banaadir ka soo bilaabay Xawaare sare ,isagoo dadkii wadada marayey gaarigga jiirsiiyay ,kadibna wuxuu isku hor qarxiyay Hotel Safaari” ayuu yiri qof ka mida dadka baarista ku wado sida weerarkaas u dhacay.

Hadabba waa kumma ninka soo damiintay baabuurka ?

Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yaasiin wax maka og yahay ?

Lacagta baabuurta lagu soo iibshay yaa Xamar ka soo diray ?

Weerarka lagu dhamaaday hadda yaa la rabbaa in dusha laga saaro ?

Qorshaha ismiidaamintaas yaa soo diyaarshay ma Dowladda mise Al-Shabaab ?

Warbixin dhameeystiran ayaan soo gudbin doonaa dhawaan inshaa allaah, ee la socda 

Afeef: Xogtaan illaha aan ka helnay oo aad u kala duwan,waxaan ku sameeynay baaris aan ku xaqiijinay sidaas darteed waxaan ka cudur daaranayaa inaan magacyadda dadka idinla wadaagi karin xaalad amni darteed.

By Dahir Alasow.

Investigative Journalist


Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...