[Sirculus:] Ra'isulwasaaraha Farmaajo oo Turkiga u tegay inuu Warshad dowladdii hore iibisay ku wareejiyo ganacsade ay shirko yihiin si ganacsi looga dhigo
Warshadaan oo xilligii Xasan Garguurte la iibshay ayna lacagta bixisay Dowladdii xilligaas ayaa la qorsheeyay in dharka Ciidanka oo qura lagu sameeyo hasse yeeshee wuxuu Xasan Kheyre go’aansaday inuu Warshadaas u saxiixo Cabdikariim Gaambe oo ay ku heshiiyeen iney wada lahaadaan Warshadda .
Safarka Kheyre ku jooga Turkiga ,Todobaad ka hor waxaa dalkaas gaaray Gaambe oo ganacsade ay qaraabo dhow yihiin Kheyre.
"Ujeedada ka danbeysa joogitaankiisa turkiga iyo booqashada Raysulwasaare kheyre waa in Gaambe loo saxiixo warshad samaysa dharka ciidanka qalabka sida oo dawladdii hore ee Xasan Sheekh ay ka gadatay Turkiga oo halkaan taal” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Safaaradda Somalia ee ANKARA.
Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la xusin wuxuu hadalkiisa ku deray "Warshadda qiimaheedu waa 3 Milyan dollar”
Masuul kale oo ka tirsan Wafdigga la socda Kheyre ayaa yiri "Waxaa lagu wadaa in kheyre u saxiixi doono dawladda Tirkiga in Gaambe lagu wareejiyo Warshadda Loona bedelo Warshad ganacsi oo dharka ciidanka iyo dharka kaleba sameyn doonto, Taasoo si gaara ay u wada yeelanayaan Kheyre iyo Gaambe”
Sikastaba ha ahaatee, Ra’isulwasaaraha Xasan Cali wuxuu ku dhiiranayaa qabyaalad iyo musuqmaasuq baahsan, iyadoo lacag dhan hal milyan iyo bar loogu tala galay lebiska Ciidanka Melleteriga ay lunsadeen isagga iyo Wasiirkiisii iscasilay ee Gaashaandhigga.
Wafdigga Xasan Kheyre waxaa ka soo dhexmuuqda dhalinyaro ku qabiila oo uu ka mid yahay wiil yar oo la yiraa Ayuub kaas oo heeysta Diplomat Passport sida ku cad liiska Warqadda wafdigiisa lagu qoray.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa Dowladda Turkey ugu baaqay ineysan hantida Qaranka Somalia ku wareejin shaqsiyaad ku fashilmay hoowlahii loo igmaday.
By Dahir Alasow
Investigative Journalist.
[Sirculus:] Ra'isulwasaaraha Farmaajo oo Turkiga u tegay inuu Warshad dowladdii hore iibisay ku wareejiyo ganacsade ay shirko yihiin si ganacsi looga dhigo
Waagacusub.com - Ra'isulwasaare Xasan Kheyre ayaa la ogaaday inuu socdaalkiisa Turkiga quseeyo sidii uu Warshad loogu tala galay iney sameeyso dharka Ciidanka qalabka sida ugu wareejin lahaay ganacsade ay isku qabiil yihiin oo la yiraa Cabdikar