WAR MURTIYEED SHIRWEYNAHA BEELWEYNTA HAWIYE

0
Sunday October 29, 2017 - 16:41:50 in Wararka by Mogadishu Reporter
  • Visits: 6689
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR MURTIYEED SHIRWEYNAHA BEELWEYNTA HAWIYE

    WAR MURTIYEED SHIRWEYNAHA BEELWEYNTA HAWIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR MURTIYEED SHIRWEYNAHA BEELWEYNTA HAWIYE

MUQDISHO, AXAD 29 OKTOOBAR 2017

Waxaa maanta 29/10/2017 magaalada Muqdisho, Shir Watashi isugu yimid Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada gole ee barlamaanka Federaalka, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ganacsato, Haween, iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha Hawiye. 

Waxaa shirka lagu lafa guray; xaalada dalka uu marayo dhinacyada: siyaasadda, aminga, federaalaynta iyo dib u heshiisiinta. Shirku wuxuu dhagaystay natiijada kulamo ay xildhibaanada labada gole, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka la qaateen Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka, ayadoo shirku hoosta ka xariiqay in xaalka dalku uu ku marayo meel adag oo aan ka aamus lahayn, waxaana dood dheer ka dib laisku afgartay qodobada soo socda:

1- Beeshu waxay canbaaraynaysaa weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Naasahablood 2 iyo Xasuuqii 14 Oktoobar 2017 Zoobe ka dhacay, Waxayna ku baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxaha xasilooni-darrada dalka ka wada. Waxay kaloo dalbaynaysaa in laga dhabeeyo halkudhigii xukuumada ee ahaa hufnaan & Isla-xisaabtan, sidaa daradeedna la helaa ciddii gabtay masuuliyadii loo xilsaaray, lagulana xisaabtamaa. 

 

2- Beeshu waxey ka mahadcelinaysaa gurmadkii loo fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii isgoyska Zoobe, ayadoo dhanka kale ugu baaqaysa cidda dawladda ugu xilsaaran dhaqaalaha lagu soo aruuriyay magaca dadkii dhibku gaaray in si daahfuran loo maamulo, lana hubiyo in qoysaskii dhibbanayaasha si sax ah loo gaarsiiyey wixii taakulayn ah ee loogu talagalay. 

 

3- Beeshu waxay adkaysnaysaa midnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka Soomaaliya. Waxayna garawsan tahay in wadada keli ah ee taas lagu gaari karaa ay tahay: is-oggolaansho, isku-tanaasul iyo ixtiraam, is-qadarin iyo is-aqoonsi walaaltinimo ku dhisan.

 

 

4- Beeshu waxay u aragtaa in hab-dhaqanka hogaanka sare ee dowlada uusan garawsanayn dhibka iyo dhabar adayga laga soo maray geedi-socodka dhismaha Nabadda iyo Dawladnimada Soomaaliya. Hogaanka sare ee Dalka waxaa loogafadhiyaa in uu la yimaado qorshayaal hormarineed oo la xiriira dhinacyada Siyaasada, dhaqaalaha, wax ka qabashada amniga, dhismaha mu’assasaatkii dawladda saldhigga u noqon lahaa, sii xoojinta nidaamka federaalaynta dalka iyo taakulaynta maamulada dhisan.

 

5- Beeshu waxay canbaaraynaysaa faragelinta qaawan ee ay dawladda federaalkaa ku hayso Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah dawlada federaalka, gaar ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Falkaasi wuxuu horseedayaa xasilooni-darri siyaasadeed, wuxuuna abuuri karaa xiisad siyaasadeed oo Dalka dib ugu celisa dagaal sokeeye & tafaraaruqii laga soo bogsanayay.
6- Beeshu waxay soo dhowaynaysaa dhismaha Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada. Waxayna ugu baaqaysaa Dawlada Federaalka in ay wadahadal wax ku ool ah la yeelato hogaamiyayaasha Golahaas, si loo gaaro xal waara, loona dejiyo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan. Waxay kaloo ku baaqaysaa in Gobolka Banaadir loo sameeyo Dawlad Goboleed. 
7- Beeshu waxay xusuusinaysaa hogaanka sare ee dawlada in uu xil ka saran yahay ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka. Waxayna ugu baaqaysaa in ay mudnaanta koowaad siiyaan dejinta xiisadaha siyaasadeed, una hawlgalaan abuurista Jawi wada shaqayn siloo helo xasilooni siyaasadeed oo suurtagalisa in arrimaha badan ee wax ka qabashada u baahan loo soo jeesto
8- Beeshu waxay waalac xooggan ka muujinaysaa ismarin waaga siyaasadeed ee dalka ka tagaan, waxayna u aragtaa in hadii laga faa'iidaysan waayo fursadaha wadahadal ee haatan tagaan la isugu yimid shir looga tashanayo aayaha dalka si looga baaqsado deganaasho la'aan fursad siisa kooxaha xagjirka ah.
9- Beeshu waxey ka digaysaa in dhaqaalaha kooban ee dalka soo gala loo adeegsado musuqmaasuq & burburinta maamulada dalka ka dhisan, taas bedelkeedana waxey ku baaqaysaa in la dhiso guddi qaran ee la dagaalanka musuqmaasuqa, ayadoo xubnihiisa si daahfurnaan iyo hufnaan ku jirto lagu soo xulaayo.
10- Ugu danbayn, waxay beeshu u mahadcelinaysaa beesha caalamka iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo Soomaaliya soo garab taagnaa, welina garab taagan sidii ay u kaalmayn lahaayeen dalka, ayadoo ku baaqaya in laga faa’idaysto u heelanaanshaha beesha caalamka & dawlada saaxiibka Soomaaliya la ah kaalmada Soomaaliya iyo taageerada ay diyaarka la yihiin.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...