Farmaajo Oo Kheyre Iyo Taabid Afka U Furtay Iyo Fahad Oo Nairobi Isku Qarinaya (XIISAD CULUS)

0
Monday October 30, 2017 - 16:04:12 in Wararka by Mogadishu Reporter
  • Visits: 10259
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Kheyre Iyo Taabid Afka U Furtay Iyo Fahad Oo Nairobi Isku Qarinaya (XIISAD CULUS)

    Farmaajo Oo Kheyre Iyo Taabid Afka U Furtay Iyo Fahad Oo Nairobi Isku Qarinaya (XIISAD CULUS)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo Oo Kheyre Iyo Taabid Afka U Furtay Iyo Fahad Oo Nairobi Isku Qarinaya (XIISAD CULUS) Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya In Madaxweyne Farmaajo uu furka ku tuuray Xasan Cali Kheyre iyo Taabit Cabdi. Farmaajo ayaa waydiiyey sababta iyagoo haysta xilalkii ugu waynaa ee Beesha Hawiye korkiisa lagu qabto shir intaa la eg, lagana soo saaro baaq culayskaas leh. Farmaajo ayaa ula jeeday shirkii Beesha Hawiye ee shalay Muqdisho lagu qabtay. 
Farmaajo ayaa isagoo aad u xanaaqsan yiri " Meel kasta ayaa la iga soo wacayaa, Hawiye gacan kuma haysid ayaa la i leeyahay, maxaan ku hadlayaa, waa run Hawiye gacan kuma hayo ee ii sheega in aadan Hawiye keeni kartaan iyo in kale ” ayuu yiri. 

Kheyre iyo Taabit ayaa ku dejiyey Farmaajo in ay abaabulayaan shir Hawiye ee Dawlada lagu taageerayo, si xaalada loo dejiyo. 
Dhinaca kale,  Fahad Yaasiin oo ka xanaaqsan shirka Maamul Goboleedyada ayaa isku qarinaya magaalada Nairobi. 
Fahad ayaa aaminsan in dagaalka lagu sii wado Madaxda Maamul Goboleedyada, ilaa laga takhaluso Madaxweynayaasha haatan xilka haya, lana keeno kuwo iyaga taageersan.

Laakiin Farmaajo ayaa arrinkaas ka qabsaday, isagoo sheegay in uu doonayo in uu Maamulada u madaxa u salaaxo si uu isku dhaafiyo, aduunkana ugu qanciyo in la heshiiyey. 

Faramaajo ayaaa ka codsaday Fahad in uu maalmaha shirka socdo Nairobi isku dhakiyo, ka dibna hawshiisa sii wato. 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...