Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo iyo Tirada Xildhibaanada saxiixay Mooshinka oo kordhay

0
Sunday November 05, 2017 - 14:50:55 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo iyo Tirada Xildhibaanada saxiixay Mooshinka oo kordhay

    Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo iyo Tirada Xildhibaanada saxiixay Mooshinka oo kordhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo iyo Tirada Xildhibaanada saxiixay Mooshinka oo kordhay

Ololaha looga soo horjeeda Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo magaalada Baydhabo uu ka socdo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo aan horay loo arkin.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ee wada ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan ayaa sheegaya in illaa 90 Xildhibaan ay illaa iyo hada saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah, isla markaana maalmaha soo socda ay u gudbin doonaan Guddoonka Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajiga hore ee diyaarinta iyo saxiixa Mooshinka, isla markaana ay maalmaha soo socda ay horgeyn doonaan Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sameystay labo Kudlad oo iska soo horjeeda oo loogu magac daray , waxaana loogu magac daray Kudlada Badbaadada Koofur Galbeed iyo Golaha Midnimada Koofur Galbeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan ay hoos ka wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan magaalada Muqdisho oo uu uga qeyb galay shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koofur Galbeed, waxaana dad badan saadaalinayaan in aanu noqon doono mid si fudud ku dhamaada, marka loo eego heerka ay kala taagan yihiin dhinacyada.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...