Sacuudiga oo IRAN ku eedeyey Gantaalada Xuthiyiinta kusoo rideen

0
Monday November 06, 2017 - 14:34:11 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo IRAN ku eedeyey Gantaalada Xuthiyiinta kusoo rideen

    Sacuudiga oo IRAN ku eedeyey Gantaalada Xuthiyiinta kusoo rideen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga oo IRAN ku eedeyey Gantaalada Xuthiyiinta kusoo rideen

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay Gantaalkii ay kooxda Xuuthiyiinta ku rideen madaarka Riyadh habeenkii Sabtida uu kamid yahay hubka ay IRAN keentay dalka Yemen.

Weerarkaasi ayey Sacuudiga ku sheegeen inuu ahaa dagaal IRAN iclaamisay, isla markaana muujinaya in xuuthiyiinta ay hub casri ah ka helayaan dalka IRAN.

Gantaalka laga soo riday gobalka Sacdaa ee waqooyiga Yemen ayaa waxaa sheegtay Xuuthiyiinta oo ku goodiyey inay duqeyn doonaan dal walba oo iyaga duulaan kusoo qaada. Balse ciidamada cirka ee Sacuudiga ayaa ku guuleystay inay gantaalada difaaca kusoo ridaan gantaalkaasi laga soo riday Yemen.

Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa horey u heystay gantaalo ay ka qabsadeen hubkii dowlada Yemen, balse kuwaasi maaheyn kuwo soo gaari kara caasimada Sacuudiga ee Riyadh, waxaase hada muuqata in ay heleen farsamo cusub oo ay sare ugu qaadeen tiirada dheer ee gantaalada iyo waliba inay la beegsan karaan goobo cayiman.

Iran ayaa lagu eedeenayaa inay Xuuthiyiinta u keento gantaalo lasoo fur furay kadibna lagu rakibo gudaha dalka Yemen.

Sacuudiga ayaa saacado kadib isaguna weerar dhanka cirka ah ku qaaday gobalka Sacdaa, waxaana la sheegay in ugu yaraan 29 duqeyn dhanka cirka ah ay diyaaradaha Sacuudiga la beegsadeen gobalka Sacdaa ee Yemen.

Qoraal kasoo baxay Isbaheysiga Sacuudiga ayaa lagu sheegay in gebi ahaan la xiray Madaarada iyo Dekadaha dalka Yemen, inta uu socdo baaritaanka hubka IRAN soogelisey dalka Yemen, waxaana maanta joogsaday duulimaadyadii tagi jiray dalkaasi Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa 28kii bishii hore ee Oktoober sheegay inay duqeyn doonaan dal walba oo iyaga soo weerara, wuxuuna gantaalkii ay ku tuureen sabtidii Riyadh ahaa kii ugu tiirada dheeraa oo boqolaal kilomiter gudaha u galay dhulka Sacuudiga.

Weerarkii Gantaalka u adeegsadeen Xuuthiyiinta Sabtidii ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii uu dalka Sacuudiga uga dhawaaqay Raysalwasaarihii Lubnaan Sacaad Xariri inuu xilka isaga degay, isagoona ku eedeeyey faro gelinta Iran dalkiisa ku heyso.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...