Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya oo ka badbaaday duqeyntii jimcihii lagu qaaday goob uu ku sugnaa

1
Monday November 06, 2017 - 15:45:48 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya oo ka badbaaday duqeyntii jimcihii lagu qaaday goob uu ku sugnaa

    Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya oo ka badbaaday duqeyntii jimcihii lagu qaaday goob uu ku sugnaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya oo ka badbaaday duqeyntii jimcihii lagu qaaday goob uu ku sugnaa

Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya Sheekh C/qaadir Muumin ayaa ka badbaaday weerar cirka ahaa oo uu Mareykanka ku qaaday maalintii jimcihii goob uu ku sugnaa oo ka tirsan Buuraleyda Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wareysi uu siiyay Idaacada VOA ku sheegay in C/qaadir Muumin uu ka badbaaday weerarkaas.

"Xogo aan ka helnay hey’addaha amniga Puntland waxaa ku ogaanay in C/qaadir Muumin ka badbaaday weerarkaas”ayuu yiri C/wali Gaas oo intaa ku daray in Mareykanka aanu la wadaagin macluumaadka ah arrintan.

Waxaa uu sheegay in inta badan weerarada Mareykanka qaado ay yihiin bartilmaameedka xubnaha sare argagixisada, balse ay meel walba ay Al-Shabaab iyo Daacish joogaan la yaqaano.

C/qaadir Muumin ayaa dhamaadkii sanadkii 2015 ka baxay Al-Shabaab, isagoo ku biiray Kooxda Daacish, waxaana durbaba Daacish ay dhaq dhaqaaqyo ka bilowday deegaanada Puntland, iyagoo weeraro qaraxyo ka fuliyay magaalada Boosaaso.

 

 

Loading...

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...