Al-Shabaab oo Ceelgaras ka afduubtay gabadh ka baxsatay adeerkeed ?

0
Tuesday November 28, 2017 - 14:53:48 in Wararka by Dahir Alasow
  • Visits: 2018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Ceelgaras ka afduubtay gabadh ka baxsatay adeerkeed ?

    WAAGACUSUB.COM - Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa degaanka Ceelgaras ee Galgaduud ka afduubtay Nin magaciisa lagu sheegay Xaashi Indhaweyne oo ka mid ahaay odayaasha degaankaas sida uu Waagacusub.com u sheegay wiilkiisa Nur Xaashi Indhaweyne oo ka baxsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAAGACUSUB.COM - Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa degaanka Ceelgaras ee Galgaduud ka afduubtay Nin magaciisa lagu sheegay Xaashi Indhaweyne oo ka mid ahaay odayaasha degaankaas sida uu Waagacusub.com u sheegay wiilkiisa Nur Xaashi Indhaweyne oo ka baxsaday.

Abdishakuur Calansidood oo ah Amiirka Al-Shabaab ee goboladda dhexe Somalia ayaa xaqiijiyay iney xireen Xaashi Indha weyne laakiin wuxuu ku eedeeyay inuu damiintay gabar uu hooyadeed qabo oo magaceeda uu ku sheegay Ayan Ahmed Ali.

inkastoo horjooge Abdishakuur ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta ay gabadha u xireen markii hore haddana wiilka uu dhalay Xaashi Indhaweyne ee la yiraa Nur Xaashi ayaa sheegay iney afduubteen bishii May 2017 kadib markii ay diiday iney la shaqeeyso Al-Shabaab.

Qof diiday in magaciisa la xuso oo ku nool Ceelgaras ayaa ku xog waramay iney Ayan Ahmed Ali sidoo kale diiday inuu guursado nin ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab oo jeclaaday.

Ayan Ahmed Ali oo ah 24 jir ku dhalatay Ceelgaras waxey ka baxsatay Al-Shabaab bishii August 2017 kadib markii seddex bil u xirneed  laakiin lama cadeeyn inuu Adeerkeed qaba hooyadeed damiintay iyo iney heshiis ay la gashay lagu sii daayay.

Ayan Ali hooyadeed oo lagu magacaabo Cosob Xersi ayaa ku gaabsatay ineysan ka warheyn nolol iyo geeri gabadheeda balse walaalkeed la soo baxsaday wuxuu tibaaxay iney isaga iyo Ayan Ali wada joogaan Muqdisho.

Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa sanadkii 2016 waxey gurigiisa ka wateen Cadaawe Xaashi indhaweyne oo ah wiil ay isku hooyo yihiin Ayan Ahmed Ali.

Qaar ka mida dadka reer Ceelgaras  waxey xaqiijiyeen in la waayay cadaawe Xaashi sanadkii 2016 maadama laga kaxeeyay Xabsigii lagu booqan jiray ee Ceelgaras.

Argagixisadda Al-Shabaab waxey gabdhaha ku nool degaanadeey ka taliyaan qasab ugu aroosiyaan Saraakiishooda iskuugu jira Somali iyo Ajnabi ,waxeyna xiraan ama dilaan gabadhii diida maadama uu xukunkoodu dhigayo iney Diinta Islaamka ka ridoowday.

Sikastaba ha ahaatee, Gabdhaha Ceelbuur iyo Ceelgaras ayaa u baahan gurmad maadama ay yihiin kuwa ugu badan ee Maleeshiyaadka Al-Shabaab u geystaan tacadiyo iskuugu jira kufsi iyo xoriyad ka qaadis.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...