[Madaxweyne] Farmaajo ma hormarka dalka ayuu ka fakaraa mise inuu saxo qaladaadka Xasan Kheyre ?

0
Wednesday December 20, 2017 - 11:54:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4050
  • (Rating 4.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Madaxweyne] Farmaajo ma hormarka dalka ayuu ka fakaraa mise inuu saxo qaladaadka Xasan Kheyre ?

    Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa 50 cisho kadib u dabaal dagaya sanad guuradii koowaad ee maalinkii la doortay, 315 cisho oo madaxweyne Farmaajo uu xafiiska joogay wax weyn oo la taaban karo lagama qaban xaaladda Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa 50 cisho kadib u dabaal dagaya sanad guuradii koowaad ee maalinkii la doortay, 315 cisho oo madaxweyne Farmaajo uu xafiiska joogay wax weyn oo la taaban karo lagama qaban xaaladda Somalia.

Xilal ka qaadis, kuwa kale magacaabis, safaro faro badan, heshiisyo afka ah oo Dowladdo shisheye lala soo galay, hanjabaadyo iyo aamusnaan madaxweyne oo joogto ah wax ka badan ma aaney arag Soomaaliddu.

Farmaajo wuxuu isku dayay inuu badalo dhaqankii madaxdii hore kaas oo ahaa in howlaha xukuumada faraha lala galo laakiin taasi dacar buu ka dhaxlay waxaana hadda uu waqtigiisa ugu badan ku lumiyay inuu xaliyo qalalaasooyinka uu abuuro Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kheyre oo 49 jir ah ayaan aragti badan ka heysan sida loo maamulo dal colaado iyo caadifad kasoo kabanaya, waa nin ku cusub hardanka siyaasadda, wuxuu dhowr jeer ku kufay talaabooyin siyaasadeed iyo mid amni oo uu qaaday taas oo markii dambe uu madaxweyne Farmaajo odeynimo ku xaliyay.

Shaqadda madaxa qaranka (madaxweynaha) iyo midda madaxa dowladda (ra’iisul wasaaraha) waa labo sidda uu dhigaayo dastuurka Somalia, xariga siyaasiyiinta ,howl-galadda amniga, hagida bulshadda iyo in dowladdu ay dadka u sinaato waxaa masuul ka ah Ra’iisul wasaaraha.

Arintii Bariire, Duulaankii maamulka Hirshabeele, dumintii Gal-Mudug, Weerarkii haanta dheer, mooshinadda sii xoogeystay, xariga siyaasiyiinta ,is casilaadii wasiiro,safiiro iyo taliyihii xooga, khilaafka maamul goboleedyadda iyo amni daradda sii badatay oo dhan waxey ahaayeen waajibaadkii laga rabay Ra’iisul wasaare Kheyre inuu xaliyo.

Dhamaan falalka aan kor ku xusay wuu ku fashilmay inuu maareeyo Xasan Cali Kheyre waxaana ugu dambeyn ay dantu qasabtay inuu madaxweyne Farmaajo howsha faraha la galo oo isugu uu xaliyo, tani waxaa ay meesha ka saartay inuu Farmaajo helo fursad uu uga fakaro hormarinta iyo dhaqaajinta dalka.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre wuxuu awoodi waayay inuu Dowladda ka xigsato beeshiisa madaama 4.5 wax lagu qeybsaday.

Su’aalo badan ayaa dul saaran sida ay labadda nin ee Farmaajo iyo Kheyre kusii wada shaqeyn karaan madaama laga doonaayo howlo waa weyn oo ay ku jiraan dhameystirka dastuurka iyo iney dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah balse hadda xukuumadu waxey ka badin la’adahay dagaal saxaafadeed iyo caburinta ra’ayiga dadka.

Farmaajo wuxuu u baahan yahay ra’iisul wasaare si hufan u maareyn kara howlaha horyaala oo aan siyaasadda u aqoonin iney tahay duulaan iyo caburin, wuxuu u baahan yahay Ra’iisul wasaare dhibka uu keeno isagu xalin kara laakiin sidda ay hadda wax ku socdaan taasi ma muuqato.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax 

Loading...

[email protected]

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...