[Topnews:-] Xog xasaasiya Shirqoolkii Jeneral Qeybdiid iyo la kulankiisii Safiirka Emirate-ka ?

0
Saturday January 06, 2018 - 01:31:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6957
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 5 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Xog xasaasiya Shirqoolkii Jeneral Qeybdiid iyo la kulankiisii Safiirka Emirate-ka ?

    Waagacusub.com - Macluumaad rasmiya ayaa markii ugu horeeysay uu helay Jeneral Cabdi Qeybdiid kadib markii uu la kulmay Safiirka Emirate-ka u fadhiya Somalia laakiin aan ku bilaabo sheekadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Macluumaad rasmiya ayaa markii ugu horeeysay uu helay Jeneral Cabdi Qeybdiid kadib markii uu la kulmay Safiirka Emirate-ka u fadhiya Somalia laakiin aan ku bilaabo sheekadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Jeneral Qeybdiid ,wuxuuna u sheegay in weerarka ay soo abaabuleen Sirdoonka Emirate-ka oo doonayey iney dagaal qabiil ka ridaan Muqdisho.

Farmaajo wuxuu Jeneral Qeybdiid ku maslaxay lacag dhan 1.5 Milyan dollar laakiin Qeybdiid waa diiday lacagtaas,wuxuuna ku yiri " Lacag uma baahni ,waxaana qasaba inaan helo cidda weerarkeeyga soo abaabushay”

Jeneral Qeybdiid ayaa mar kale la kulmay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre laakiin iyagoo wada hadalka u socda ayuu soo galay Safiirka Emirate-ka Carabta ee Somalia kadibna wuxuu Ra’isulwasaaraha ka gudoomay xog ku saabsan weerarkii dhacay iyo baarista Dowladda Emirate-ka sameeysay.

Ra’isulwasaaraha wuxuu Qeybdiid ku yiri , i sug waxyar aan soo akhristo xogtaan Safiirka ii keenay.

afartan daqiiqo kadib ayuu ku soo laabtay,wuxuuna ku yiri " Emirate-ka waxeey qirteen iney leeyihiin masuuliyadda weerarkii laguugu dili rabay laakiin baarista waan sii wadeeynaa”

Jeneral Qeybdiid ayaa weeydiistay inuu dukumiintiga siiyo laakiin Ra’isulwasaaraha waa ka cudurdaartay maadama baarista socota sida uu sheegay.

Hal saac kadib waxaa xafiiska Ra’isulwasaaraha ku soo laabtay Safiirka Emirate-ka oo Cabdi Qeybdiid weeydiistay iney wada kulmaan kadibna sidaas ayaa Qeybdiid ballan loogu sameeyay Safaaradda Emirate-ka.

Safiirka Emirate-ka ayaa Cabdi Qeybdiid hordhigay xogtii uu Ra’isulwasaaraha u gudbiyay,wuxuuna u sheegay ineysan kiiska weerarkiisa lug ku laheeyn .

Safiirka wuxuu Cabdi Qeybdiid u sheegay magacyadda afartii Sarkaal ee weerarkiisa abaabushay,wuxuuna tusay cadeeyn ku saabsan in Ciidanka weerarka geeystay ay Emirate-ka xilli hore ku wareejiyeen Dowladda Somalia.

Jeneral Qeybdiid oo faraxsan ,una muuqda inuu ku soo qancay xogtii Safiirka Emirate-ka ayaa gurigiisa ku soo laabtay ,wuxuuna kadib u tegay Madaxweyne Farmaajo.

Senator Qeybdiid wuxuu ku yiri Farmaajo " Waan hubaa,waana xaqiiqsaday in Ciidanka i dili rabay idinka aad soo dirteen sidaas darteed kuma qanacsani guddigga baarista wadda ee aad idinka magacaawdeen,waxaan ku qancayaa oo kaliya in guddigga amniga iyo difaaca ee labada aqal loo xilsaaro baarista kiiskaan”

Farmaajo ayaa isku dayay inuu qanciyo Qeybdiid balse Jeneral-ka waa ka soo tagyay.

Sirdoonka reer galbeedka ayaa laftooda baaris ku sameeyay sababta Qeybdiid loo weeraray,waxeeyna ogaadeen xogtaan.

Shir ka dhacay Villa Somalia oo ay ka qeybgaleen Fahad Yaasiin iyo Sirdoonka Qatar ayaa lagu go’aamiyay in leeyska horgeeyo Emirate-ka iyo Habargidir si looga hortago halista ka dhalan kara abaabulka ay wadaan beesha Cabdiraxman Cabdishakuur .

Go’aanka xalkaas wuxuu noqday in Habargidir laga dilo Cabdi Qeybdiid si dagaal xoogan u qarxo oo Emirate-ka uga baxaan Somalia.

Sikastaba ha ahaatee, Shirqoolkii la rabbay in lagu dilo Jeneral Qeybdiid waa fashilmay,waxaana muuqata inuu ku jiro diyaar garoow ku saabsan sidii uu ula xisaabtami lahaay kuwii qorsheeyay iney dilaan isagoon wax dimbiyo ka gelin.

Xogtaan waxaan ka soo aruuriyay Saraakiil ka tirsan Hay'adaha sirdoonka Somalia,Emirate-ka iyo kuwa reer Galbeedka sidaas darteed waxeey iga codsadeen inaan magacyadooda xigan.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...