Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay deegaano u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad

0
Monday January 15, 2018 - 12:41:54 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1711
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay deegaano u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad

    Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay deegaano u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay deegaano u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad
Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa jaray wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay ka geysanayeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo miinooyin dhulka hoostiisa la geliyo.

Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa la wareegay tuulooyin u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar, waxaana tuulooyinka qaar ka bilowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka oo ka cabsi qaba in lagu dul-dagaalamo.

Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanada Gololey, Isgoys iyo Ceelka Geelow oo shalay ay ka qabsadeen ciidamada dowladda.

Loading...

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ku soo korortay wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad ay tahay mid halis ah oo keeni karta in Shabaabka ay isku ballaariyaan deegaanadaas.

Xaalada ammaan darro ee ku soo korortay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayaa sababtay inuu hakado dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee isaga kala gooshaya wadadaas, gaar ahaan gaadiidkii ciidamada iyo kuwii mas’uuliyiinta ay saarnaayeen, waxaana xilligan halka u furan ay noqotay cirka oo Mas’uuliyiinta iyo Xildhibaanada Hirshabeelle ay diyaarad kaliya ku tagi karaan Jowhar.

Wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay aheyd mid ammaan oo gaadiidka ciidamada iyo kuwa dadweynaha ay habeen iyo maalin isticmaali jireen, waxaana lagu xusuustaa in gaadiidka subaxdii taga Jowhar ee ka baxa Muqdisho uu ka soo hoyan jiray habeenkii, iyadoo wadadu aheyd mid burbursan.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...