[Topnews:-] Madaxweyne Farmaajo oo amarkii ugu fiicnaay soo saaray taariikhda

0
Friday January 19, 2018 - 09:05:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8347
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Madaxweyne Farmaajo oo amarkii ugu fiicnaay soo saaray taariikhda

    Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa amarkii ugu fiicnaay taariikhda soo saaray tan iyo maalintii la doortay 8 Feb 2017. Farmaajo ayaa amarkiisa ugu daneeyay danta guud ee Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna u qoray sidaan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa amarkii ugu fiicnaay taariikhda soo saaray tan iyo maalintii la doortay 8 Feb 2017. Farmaajo ayaa amarkiisa ugu daneeyay danta guud ee Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna u qoray sidaan:

Madaxweyne Farmaajo "Dhulka dowladda lama hibeyn karo, lama bixin karo, lamana wareejin karo”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri "Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

"Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

"Markii la I doortay, waxaan ballan qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

DHAMMAAD


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...