War dag dag ah Afhayeenkii Gobolka Banaadir C/fataax Xalane oo xabsiga loo taxaabay

0
Wednesday January 24, 2018 - 10:11:09 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3231
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War dag dag ah Afhayeenkii Gobolka Banaadir C/fataax Xalane oo xabsiga loo taxaabay

    Afhayeenkii Gobolka Banaadir C/fataax Xalane oo xabsi guri loo taxaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenkii Gobolka Banaadir C/fataax Xalane oo xabsi guri loo taxaabay
Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa xabsi guri la geliyay, kaddib markii lagu soo rogay amar ah in uusan gurigiisa ka bixi karin.

C/fataax Xalane oo sidoo kale ah Sarkaal ka tirsan Nabadsugida ayaa la sheegay in Saraakiisha sare ee NISA ay ku amreen in uusan gurigiisa ka bixi karin illaa amar dambe.

Loading...

Amarka Xabsi guriga ayaa salka ku haya shirkii jaraa’id oo uu habeenkii Sabtida aheyd ku qabtay Xarunta Gobolka Banaadir, isla markaana uu sheegay in golayaasha degmooyinka ay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir u doorteen labo sano inuu xilka haayo.

Inkastoo la soo afjaray xiisada siyaasada ee gobolka banaadir, hadana waxaa la sheegayaa in xubno dhowr ah ay weyn doonaan xilalkooda oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo xilalkooda waayay.

Guddoomiye Kuxigeenadii Gobolka Banaadir iyo Xoghayihii Guud ee maamulka ayaa iyana xilka laga qaaday, taasoo qeyb ka aheyd xil ka qaadistii Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed.

Dowladda Federaalka ayaa wajaheysa culeys uga imaanayay Maamulkii uu hoggaaminayay Taabid oo qorsheynayay in maqaam gaar u sameeyaan magaalada Muqdisho, taasoo la rumeysan yahay inay meesha ka saari karta awoodda dowladda ku laheyd Muqdisho oo ah meesha kaliya ee ay awaamiirteeda ka fulaan, maadaama ay tahay caasimaddii dalka.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...