[Topnews:-] Gudoomiye Taabit oo lagu xukumay 18 sano oo Xabsiya iyo ku xigeenkiisii oo laga celshay Airport-ka - liis dheer.

0
Thursday January 25, 2018 - 21:36:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7975
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Gudoomiye Taabit oo lagu xukumay 18 sano oo Xabsiya iyo ku xigeenkiisii oo laga celshay Airport-ka - liis dheer.

    Waagacusub.com - Xeer ilaaliye Ahmed Ali Dahir oo ku hoowlgelaya amarka Ra'isulwasaare Kheyre iyo Agaasimaha guud ee Villa Somalia Fahad Yasin Haji Dahir ayaa diyaariyay dacwad uu ku oogay Gudoomiyahii gobolka Banaadir Mr Taabit Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Xeer ilaaliye Ahmed Ali Dahir oo ku hoowlgelaya amarka Ra'isulwasaare Kheyre iyo Agaasimaha guud ee Villa Somalia Fahad Yasin Haji Dahir ayaa diyaariyay dacwad uu ku oogay Gudoomiyahii gobolka Banaadir Mr Taabit Cabdi.

Kooxda Fahad Yasin ayaa ku tashaday in Gudoomiye Taabit lagu qabto ama lagu dilo xafladda Xil wareejinta , si loogu oogo dacwad ku saabsan inuu galay xatooyo Xoolo Qaran.

Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Mr Saadaq Joon ayaa dhinaca kale wuxuu Garoonka diyaaradaha Muqdisho dhigay Warqad ay ku qoran yihiin shaqsiyaad aan ka dhoofi karin Garoonka,waxaana liiskaas dheer ka soo dhexmuuqda  Gudoomiye Taabit, Ku xigeenkiisa Ereg, Gudoomiyaha degmadda Hodan Mr Cantoobo,Gudoomiyaha Howlwadaag Abdikariim Ali Kaar ,Gudoomiyaha Wardhiigley Seynab Xaabsey, Gudoomiyaha Wadajir Sheekh Cumar iyo Xoghayaha Guud Suweydo Mukhtar.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mr Ereg oo qorsheeynayey inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga hor istaagay,wuxuuna dib ugu laabtay Magaaladda Muqdisho.

Dacwadda la soo dhoodhoobay ee siyaasadeeysan ayaa lagu go’aamiyay in Taabit Cabdi lagu xukumo 18 sano oo xarig ah , haddii ay suurtageli weeysana lagu dilo xafladda xil wareejintiisa.

Kooxda Fahad Yasin ayaa sheegay inuu Fahad Yasin ka hayo sir badan oo ku saabsan dhaq dhaqaaqyadooda siyaasadeed iyo halka ay ka heleen dhaqaalaha ugu badan sidaas darteed ayey doonayaan iney soo afjaraan Taabit Cabdi .

Sikastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa Odayaasha Abgaal ka dalbaday inuu la shaqeeyo Taabit Cabdi laakiin waa diiday codsigaas Taabit.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...