[Topnews:-] Qatar oo Emirate-ka uga adkaatay dagaalka Somalia ?

0
Monday January 29, 2018 - 01:29:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7964
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Qatar oo Emirate-ka uga adkaatay dagaalka Somalia ?

    Waagacusub.com - Sirdoonka Dowladda Qatar ayaa Malaayiin Dollar ku bixinaya dagaalka ay kula jiraan xulufadda Sacuudiga iyo Emirate-ka oo ay isku hayaan hogaaminta siyaasadda Dowladda Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Sirdoonka Dowladda Qatar ayaa Malaayiin Dollar ku bixinaya dagaalka ay kula jiraan xulufadda Sacuudiga iyo Emirate-ka oo ay isku hayaan hogaaminta siyaasadda Dowladda Somalia.
Sirdoonka Qatar ayaa 103 Xildhibaan  oo ka tirsan baarlamaanka Somalia waxeey u qoreen lacag mushaara ,iyagoo bil walba Xildhibaan kasta siiya lacag dhan 7000$ todobo kun oo dollar,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen 23 Xildhibaan oo ka tirsan kuwa Mushaarka Qatar ka hela.
Sirdoonka Qatar waxeey lacagahooda dhan mariyaan Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yasin Haji Dahir oo la rumeeysan yahay inuu yahay korneyl ka tirsan Sirdoonka Dowladda Qatar ,wuxuuna horey ugu shaqeeyn jiray AlJazeera Tv ,isagoo dhinaca kalena ah Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Urur diimeedka Al-Ictisaam.

Loading...

"Dowladda Qatar waxeey lacago fara badan u qortay Xafiisyadda Madaxweynaha iyo kan Ra’isulwasaaraha ,waxeey sidoo kale hoowlgelisay Saraakiishii ugu badnaa ee dhinaca Sirdoonka Somalia” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Somalia ee NISA.
Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa noqotay mid gacan adag oo aan lacag muuqata siin Xildhibaanadda iyo Siyaasiyiinta taabacsan siyaasadooda arrimaha Somalia waxeeyna taasi sababtay iney Dowladda Qatar ku adkaato dagaalka hogaaminta siyaasad awoodeedka Somalia.
"Sirdoonka Emirate-ka iyo diblomaasiyiintooda waa baqeeyliin, lacag ma bixiyaan,waa kuwa ballanqaad beena nagu maaweeliya, lacag lagama helo , hal Milyan ayey laba bil ka hor bixiyeen” ayuu yiri Xildhibaan codsaday inaan magaciisa la xigan.
Sirdoonka Qatar ayaa diyaariyay weeraro lagu qaaday Siyaasiyiin la rumeeysan yahay iney la safan yihiin Emirate-ka sida Cabdiraxman Cabdishakuur, Cabdi Qeybdiid ,Kamal Dahir iyo Sayid Cali laakiin nasiibdaro Emirate-ka wax gurmadda lagama helin” ayuu yiri Xildhibaan aad ugu dhuun duleela dagaal siyaasadeedka u dhaxeeya Qatar iyo Emirate-ka.
Dhinaca kale ,Dowladda Qatar waxeey dooneysaa iney maamul ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland u dhisto beelaha Habaryoonis,Dhulbahante ,Faqashini iyo Warsengeli ,waxaana hoowlahaas loo xilsaaray Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yasin oo isagana Wakiishay Wasiir Jamal oo qabiil ahaan u dhashay Warsengeli Harti Daarood kana soo jeeda degaanka Badhan ee gobolka Sanaag.
Sikastaba ha ahaatee, Waxaa muuqata iney isgarabsanayaan Dowladaha Qatar, Iran iyo Turkey ,iyadoo Emirate-ka iyo Saudi Arabia noqdeen kuwa aan miisaan badan ku laheyn Somalia xilligaan.
By Dahir Alasow

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...