Sanbaloolshe "Dowladda Hal Milyan oo doollar ayay ku bixisay doorashadii Kursiga Xildhibaannimo"

0
Thursday February 01, 2018 - 10:32:36 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe "Dowladda Hal Milyan oo doollar ayay ku bixisay doorashadii Kursiga Xildhibaannimo"

    Sanbaloolshe "Dowladda Hal Milyan oo doollar ayay ku bixisay doorashadii Kursiga Xildhibaannimo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanbaloolshe "Dowladda Hal Milyan oo doollar ayay ku bixisay doorashadii Kursiga Xildhibaannimo"
Taliyihii hore ee Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa dhaliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii 28-kii bishii January uu ku waayay kursigii Xildhibaannimo ee uu horay u baneeyay, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay faragelin ku sameysay doorashada ka dhacday Jowhar.

Sanbaloolshe oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in markii laga qaaday xilka Taliyaha NISA ay aheyd in meesha kale ee u banaan oo ahaa Kursigii Xildhibaannimo ee uu baneeyay inuu mar kale buuxiyo, maadaama uu siyaasad ka shaqeeyo.

Loading...

"Waxaa aaminsanahay waxyaabaha keenay in aan kursiga waayo waa saddex arrimood, tan koowaad waa Guddiga doorashada habka ay u wadeen howsha oo aheyd cagajiid, mar hore ayay aheyd inay qabtaan, laakiin faragelin toos ayay dowladda ku heysay iyo ninka aniga gurisga iga qaaday oo ay gacan muuqata u lahyed iyo dadka wax dooranaya oo wacyi badan aan laheyn oo lagu sumeeyay maalgelin xoog leh, caqabdaha faragelin ee jiray ayaa sabab u ah in aan waayo kursiga”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladda ay musharaxa kale ee ka guuleystay Nuur Iidow Beyle ay ku taageertay lacag gaareysa hal milyan oo dollar, taasna ay tahay mid si aan caadi aheyn oo musuq maasuq ah, isla markaana saameysay natiijada doorashada.

"Lacag gaareysa hal milyan oo dollar ayaa lagu bixiyay kursigaas, dowladda mar walba waxay leedahay musuq maasuq ayaa la dagaalamaan, hadii kursi hal milyan geliso, maalin horena Madaxweynaha mashaariic ayuu soo dhagax dhigay, halkaas milyan hadii la gelin lahaa wax badan ayay ka dabooli laheyd”ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe.

Dhinaca kale Xildhibaanka ku guuleystay kursiga Nuur Iidow Beyle ayaa beeniyay eedeynta ka soo yeertay Sanbaloolshe, waxaa uu xusay in isaga uu ahaa ninka u baneeyay kursiga Xildhibaannimo Sanbaloolshe, isla markaana horay kursigan u soo hayay Baarlamaankii 9aad.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...