Maxaa kajira in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeelanayaan hal baasaboor?, shir ka furmay Muqdisho

0
Monday February 12, 2018 - 16:15:21 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kajira in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeelanayaan hal baasaboor?, shir ka furmay Muqdisho

    Maxaa kajira in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeelanayaan hal baasaboor?, Maxaase kala socota arinkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa kajira in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeelanayaan hal baasaboor?, Maxaase kala socota arinkaas  Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir la sheegay in lagu mideynayo waaxaha socdaalka ee waddamada dhaca geeska qaaradda Afrika.

Loading...

Shirkan oo ka furmay xerada Xalane waxaa guddoominaya  mas’uul katirsan dowladda Itoobiya oo ah maskaxda ka dambeysa in shir nuucaan ah uu qabsoomo waxaana mashruucan maalgelinaysa waxa loogu yeero Q.Midoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ujeedkan shirkan laga leeyahay uu yahay in Baasaboor mid ah loo sameeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waana qorshe uu toban sano ka hor soo hindisay Males Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya.

Jamaaludiin Mustafa oo ah Safiirka dowladda Itoobiya uqaabilsan Soomaaliya ayaa shirka daah furay wuxuuna sheegay in dowladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ay sameyn doonaan sharci usamaaxaya dadweynaha geeska Afrika in baasaboor la’aan ay isugu kala gooshaan.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya oo huwan shaatiga Ururka IGAD ayaa dadaal ugu jira sidii ay wakiillada ‘Beesha Caalamka’ uga dhaadhicin lahaayeen in Soomaaliya iyo Itoobiya loo sameeyo hal baasaboor taas oo ka dhigan in madax banaanida dalka lagu wareejiyo Itoobiya arrintaas oo diblumaasiyiintu ku tilmaameen gumeysi dadban oo shacabka Soomaaliyeed lagelinayo

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda qirtay in shir ku saabsan socdaalka uu Ururka IGAD Uga furmay Xerada Xalane balse si kale ayay u dhigtay oo agaasimaha waaxda Socdaalka ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu daah fur  u yahay qorshe lagu baadi goobayo sidii Baasboor mid ah loogu sameyn lahaa shucuubta wadamada Bariga Afrika.

Abuukar Carmaan oo horay usoo noqday Safiirka dowladda Federaalka ee dalka Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku faafiyay in shirka ka socda Muqdisho uu yahay mid lagu xaqiijinayo damacii Males Zenaawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya, wuxuuna tusaale usoo qaatay in waxa hadda socday uu hunqaacay Xuseen Ceydiid sanaddii 2007 xilligaas oo uu sheegay in wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya loo sameynayo Hal Baasaboor





Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...