[Wargegdega] Afhayeenkii Odayaasha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye oo Goordhow Geeriyooday..?

1
Tuesday February 20, 2018 - 07:07:14 in Wararka by Dahir Alasow
  • Visits: 3014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Wargegdega] Afhayeenkii Odayaasha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye oo Goordhow Geeriyooday..?

    Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqaano Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqaano Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

Nabadoonka oo muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye, waxaa lagu xusuustaa qeybtii uu ka ahaa dhaq dhaqaaqii looga soo horjeeday Ciidamadii Itoobiya soo galay Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale waxaa mar lagu xiray Muqdisho, iyadoo loo sii gudbiyay magaalada Baydhabo oo muddo uu ku xabisnaa saldhig Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen Garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Waxaa uu ka mid ahaa Odayaashii dhaqanka ee taageerayay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ee lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009-kii.

Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri lagu aaso Muqdisho.


Loading...

 

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...