[Sirculus:-] Shirka London oo lagu go'aamin doono ineysan Somalia yeelan Ciidanka Xooga dalka ee difaaca xaduudaha

0
Saturday April 22, 2017 - 08:40:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 16159
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Sirculus:-] Shirka London oo lagu go'aamin doono ineysan Somalia yeelan Ciidanka Xooga dalka ee difaaca xaduudaha

    SHIRKA LONDON: Dabinkii Soomaaliya ka badbaaday 57 sano kahor in maanta lagu rido ma mudna.!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHIRKA LONDON: Dabinkii Soomaaliya ka badbaaday 57 sano kahor in maanta lagu rido ma mudna.!

Shirka London ee loo balansanyahay horaanta bisha May waxaa lagu soo go'aamin doonaa in Soomaaliya aysan yeelan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya (Military). Iyada oo Madaxda Qaranka iyo Madaxweyne yaasha Dowlad Goboleedyadu isku raaceen shirkii Madasha ee Mogadishu lagu qabtay 15 - 16 April 2017 inla baabi'iyo Ciidanka Military ga ee hada jira. Lana dhiso 18,000 askari oo ka imaan doona kuna ekaan doona xuduudaha isla maamulada ay ka imaanayaan. Kuwaas oo loo qaybsanayo sida soo socota:

1. Puntland 3,000

Loading...

2. Galmudug 3,000
3. Hirshabelle 3,000
4. Banaadir 3,000
5. Koonfur Galbeed 3,000
6. Jubaland 3,000

Taasi micnaheedu waxay tahay inaysan jiri doonin mustaqbalka dhaw iyo midka fogba Ciidan Soomaaliyeed oo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed difaaca. Midaas badalkeedana Soomaaliya loo sameynayo Ciidamo Booliis ah oo Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada canshuuraha gudaha u qaada, saldhigyada u ilaaliya, tuugada guryaha usoo dhacdana soo xira. 

Waxa loo socdana waxa ay tahay "Soomaaliyada Cusub oo ka koobnaan doonta maamulo leh xuduudo gudaha ah oo kala qo'qoban, aanan lahayn Ciidamo difaaca Xuduudaha Dalka, Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya". 

Taasoo ka dhigan inla rabo in Soomaaliya lagu rido dabinkii ay diiday 1960 kii markii ay xornimada qaadatay. Waxaan dhihi karaa hadii sidaan wax u dhacaan waa nasiib daro Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed usoo hoyatay.!

@ Dagaalkii Ahmed Gurey, Darwiish ka iyo Leegadii, Baarliin dabinkii la dhigay, intaa waa ina daba socdaanee dantey naga leeyihiin iyo waxaan dooni kala fogaa.!

By Xildhibaan Mahad Mohamed Salad.

Wasiiru dowlahii hore ee Madaxtooyadda Somalia

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...