[Topnews:-] Mucaawinada Emirate-ku waa xabbad - Sidee u toogteen wiil Saqiira ?

0
Monday February 26, 2018 - 02:47:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2073
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Mucaawinada Emirate-ku waa xabbad - Sidee u toogteen wiil Saqiira ?

    Waagacusub.com - Ciidamada ay Emirate-ku tababareen ee dagan Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa galabta qorrax dhicii toogtay Hanad Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dhallinyarada Muqdisho ee ku shaqeysta Gaadiidka Bajaajta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ciidamada ay Emirate-ku tababareen ee dagan Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa galabta qorrax dhicii toogtay Hanad Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dhallinyarada Muqdisho ee ku shaqeysta Gaadiidka Bajaajta.

Mid ka mid ah ciidanka ay Emirate-ku maamulaan ayaa Hanad u toogtay si bareer ah xili uu Bajaajtiisa watay, goobjoogayaashu waxey sheegeen in Askarigu uu qoonsaday Bajaajta oo usoo dhowaatay ciidankooda, Hanad ayaa u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Askariga dilka geystay ayaa galay Xarunta Xero Agoonta, taliyaha amaanka ee degmada Hodan oo goobta yimid ayaa loo diiday in lagu wareejiyo gacan ku dhiiglaha.

Eheladda marxuumka ayaa tagay xarunta laga amro ciidamada Emirate-ka si ay wiilkooda caddaalad ugu helaan, laakiin waxaa loo sheegay in sargaalkooda ugu sareeya oo ah nin Carab ah uu maqan yahay sidaa darteed aaney diyaar u aheyn iney kala hadlaan arintaan taas oo qoyska niyad jab ku riday.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in taliyaha Milatariga oo lala xiriiray uu sheegay inuusan waxba ka qaban karin ciidankaas ay Emirate-ku maamulaan.

Shacabka Muqdisho ayaa magan u ah qaraxyada Al Shabaab iyo toogashooyin joogta ah oo ka imaanaya askarta dhowrka magac wadata ee caasimada ku sugan.

Hanad wuxuu ahaa will Madi ah isaga ayaanna biili jiray hooyadii Istaahil sida uu ii sheegay qof aad u yaqaanay.

Ciidamada Emirate-ku gacanta ku hayaan ayaan hoos tagin hay'adda amniga ee Dowladda Somalia, dhowaan waxaa lagu eedeeyay iney weerar ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid, walaac badan ayaa laga muujinaya iney Muqdisho joogaan ciidan aan Dowlada hoos tagin oo meeshey rabaan weerari kara qofkii ay doonana dili kara.

Hanad iyo Qoyskiisu Caddaalad ayey rabaan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...