[Topnews:-] Qalbidhagax walaalkii oo jirdil loogu dilay Jeel Ogaadeen -Warbixin maxbuus la joogay

0
Monday March 05, 2018 - 07:58:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Qalbidhagax walaalkii oo jirdil loogu dilay Jeel Ogaadeen -Warbixin maxbuus la joogay

    Waagacusub.com - "Nin Quraan akhris badan ayaa jecleystay in uu mar walba ila sheekeysto marka barxadda Jeelka naloo soo saaro, waxa uu maalin-maalmaha ka mid ah i weydiiyay in aan waligey qof bini'aadan ah dhib u geystay iyo in kale?"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - "Nin Quraan akhris badan ayaa jecleystay in uu mar walba ila sheekeysto marka barxadda Jeelka naloo soo saaro, waxa uu maalin-maalmaha ka mid ah i weydiiyay in aan waligey qof bini'aadan ah dhib u geystay iyo in kale?"

Ninkan oo magaciisa igu baray Sheekh Ibraahim Sheekh Muuse oo la dhashay Qalbidhagax ayaa mar aan waydiiyay waxa lugta midig ee misigta ku go'an ka helay. Waxa uuna ii sheegay in lugta ku waayay dhaawac ka soo gaaray dagaal ay Axmaarta kula galeen kagana saarayeen Goldogob oo markaas u gacangashay Itoobiya. Ma sii waarin Sheekh Ibraahim oo cilmi iyo aqliba u saaxiib ahaa oo jirdil lagu xumeynayo walaalkii Qalbidhagax oo madaxda ONLF ka mid ahaa ayuu u dhintay.

Axmed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, "Sanad ayaa iigu dhamaaday markii aniga iyo 14 kale oo midi gabar tahay laga soo qaaday Jeel Ogaadeen. Waxaa naloo sheegay in nala sii deynayo afar bilood ka dib, is la markaasna abaalmarin 17,000 oo lacagta Itoobiya ah nala siinayo haddii aan si wanaagsan u barano dastuurka Itoobiya. 4-tii bilood ayaa dhammaatay, waxaa markaas noo yimid Cabdi Iley oo noo sheegay in ay lacagtii nala siin lahaa, "ku baxday ciidanka dalka ee Liyuu Police-ka; haseyeeshe, kaliya waxa aan diyaar idiin la ahay in aan xoriyaddiinii dib idiinsiiyo."

"Cabdi Iley waxa uu amar ku bixiyay in magacda iyo gobalka uu ka soo jeedo mid kasta oo naga mid ah in laga qoro, ka hor inta aan nala siideyn."

Axmed waxaa lagu amray in uu maalintii Alle keenaba iska soo diiwaangaliyo xafiiska Koomishineerka Booliska oo markaas madax ka ahaa Yuusuf Jallaale.

Saddex maalmood markii uu iska xaadiriyay Booliska Axmed, waxa uu qaatay go'aan dadkiisa oo dhan loo soo xirxiray mid ka mid ah eheladiisiina loo dilo. Baxsadkii Axmed waxa uu ku yimid dalka Yeman, haseyeeshe, xusuustii jeel Ogaadeen waa mid marwalba sida harkiisa ula socota.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: Qoraa Sare Ahmed Abdi.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...