Ciidamada Dowladda Oo Caawa Qabtay Gaari Looga Shakiyay In Uu Wado Hilib Bani'aadam

0
Saturday March 24, 2018 - 01:43:55 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4020
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Caawa Qabtay Gaari Looga Shakiyay In Uu Wado Hilib Bani'aadam

    Ciidamada Dowladda Oo Caawa Qabtay Gaari Looga Shakiyay In Uu Wado Hilib Bani'aadam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Oo Caawa Qabtay Gaari Looga Shakiyay In Uu Wado Hilib Bani'aadam

Ciidamada Booliska degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa Caawa waxa ay qabteyn Gaari Hilib wado kaas  oo Ciidamadu ay uga shakiyeen in hilibka uu yahay mid Bani’aadam.

Gaarigaan oo noociisu yahay Deyno ayaa la sheegay in uu wado Hilib aad u farabadan oo isbedelay,isla markaana uu uray taas oo keentay in Ciidamada Booliska degmada Cabdul Casiis ay ka shakiyaan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Gaariga hadda lagu haayo Saldhiga Beri ee degmada Cabdul Casiis,isla markaana dadka watay ay sheegayaan in hilibkaan uu ka soo halaabay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Deegaanka Ceel Madsen ee G/Shabeellaha dhexe,iyaga oo doonayay in Xamarweyne ay ku iibiyaan.

Laamaha Amniga oo hilibkaan Gaariga saaran uga shakisan in uu yahay Mid Bani’aadam ayaa haatan baaritaano ku haaya.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...