[Sirculus Akhri ] Heshiis uu Jawaari diiday inuu kooxda Farmaajo u saxiixo si khilaafka xal looga gaaro.

0
Saturday March 24, 2018 - 19:03:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    [Sirculus Akhri ] Heshiis uu Jawaari diiday inuu kooxda Farmaajo u saxiixo si khilaafka xal looga gaaro.

    Akhri Heshiis uu Jawaari diiday inuu saxiixo oo ay soo bandhigeen kooxda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 113 KB
Akhri Heshiis uu Jawaari diiday inuu saxiixo oo ay soo bandhigeen kooxda Farmaajo.

HESHIISKA DAN QARAN EE U DHEXEEYA HOGAAMIYAASHA XUKUUMADDA & GOLAHA SHACABKA JFS

Hordhac:

Annagoo gudanayna waajibaadka qaran ee naloo igmaday isla markaana tixgalinayna duruufaha siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalku ku sugan yahay, wax ka baranayna xukuumadihii iyo madaxdii dalka soo maray dhowr & tobankii sano ee la soo dhaafay ee uu ragaadiyey muran & khilaaf sabab u noqday dib u dhaca dalka ku habsaday & faragalinta shisheeye ee taagan. Annagoo aaminsan in dawladdani la timid siyaasad ka duwan kuwii ka horeeyey, mudadii koobnayd ee ay jirtayna ku tallaabsatay guulo qaran oo waaweyn oo dhinac kasta leh, kuwaasoo u baahan in la ilaaliyo, lana sii joogteeyo. Waxaan annagoo ah hogaankii laamaha fulinta iyo sharci-dejinta ku heshiinnay qodobada soo socda oo danta dalka, dadka & diintu ku jirto:

Qodobka Koowaad: Xasilooni Siyaasadeed

Labada dhinac waxey iska kaashanayaan isbedel qoto dheer oo lagu sameeyo siyaasadda dalka kaasoo ku qotoma qaab u danaynaya dalka iyo dawladnimadiisa, si wadajir ahna looga hortago wax alla wixii abuuraya xasilooni darro siyaasadeed oo noqotay dhaqan siyaasiyiinta Soomaaliyeed & shisheeyuhuba ay burburinta dawladdeena & hogaankeedaba u adeegsadaan.

Qodobka Labaad: isla dhammaysashada xukunka

Hogaanka labadan hey’adood waxey ballanqaadayaan in meel qura looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay beegsato dhinaca kale, wax kasta oo ay eeddu tahay, ayadoo la isweydaarsanayo xogaha la xiriira arrimahaas, go’aan mid ahna laga wada qaato cadowga dawladnimada iyo cidda wadda si kasta oo ay awoodeedu tahay. Mudada saddexda sano ah ee inoo hartayna aan wada dhammaysanno.

Qodobka Saddexaad: Mooshinada Lidka ah

Si dalka maamulkiisu u sii socdo, mooshin kasta oo laga keeno madaxweynaha, Raysul-wasaaraha ama guddoomiyaha golaha shacabka si wadajir ah oo adag ayaa looga hortagayaa, fursadna lama siinayo mooshinadaas xildhibaanada qaswadayaasha ah ay hormuudka ka yihiin, ayadoo hey’adda fulintuu xilsaaran tahay in ka soo shaqeyso tallaabooyinka laga qaadayo xildhibaanada ku lug-yeesha mooshinadaas & kuwa soo abaabula si kuwa kale ay ugu quus- qaataan.

1

Qodobka Afraad: Tixgalinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha golaha shacabka waxaa laga tixgalin doonaa dhismaha xukuumadaha, ka tala-galinta go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira siyaasadda dalka & u qoondaynta dhaqaala gaar ah oo qadarkiisa ay isla jaangoynayaan raysulwasaaraha iyo guddoomiyaha, taa bedelkeeda guddoomihuhu wuxuu fududeynayaa wax alla iyo wixii xukuumaddu uga baahato in ay marsiisato golaha shacabka.

Qodobka Shanaad: Siyaasadda Mustaqbalka

Raysulwasaaraha Xukuumadda waxaa si gaar ah loogu xilsaaray dhismaha xisbi mideeya madaxda saddexda ee heshiiskan ku bahoobay & taageerayaashooda, asagoo la kaashanaya kana faa’ideysanaya waaya-aragnimada iyo aqoonta guddoomiyaha golaha shacabka.

Qodobka Lixaad: Mawqifkeena Dawlad goboleedyada

Maadaama hey’adaha ugu muhiimsan dawladda dhexe aan hogaankoodii nahay, waxaan iska kaashanaynaa xoojinta awoodda dawladda dhexe iyo dhimista awoodda dawlad goboleedyada ayadoo si wadajir ah looga shaqeynayo shuruucdii arintaas lagu dhaqangalin lahaa

Qodobka Todobaad: Dhaqangalka Heshiiska

Heshiiska Dan qaran waa mid sir ah oo dhinacna uusan fasax u haysan in uu la wadaago cid kale, wuxuu dhaqangalayaa marka labada dhinac & madaxweynaha JFS oo goob-joog ka ahaanaya ay wada saxiixaan, ayadoo saxiixa ka dib si wadajir ah la isku dhaarsanayo.

Dhinaca 1-aad

Md. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka

---------------------------------------------

Dhinaca 2-aad

Md. Xasan Cali Kheyre Raysulwasaaraha XFS

--------------------------------

Wabillaahi tawfiiq

Goobjooge

Md. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

-----------------------------------------------------------------------

Muqdisho, February 2018

2


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...