Jawaari "Aniga isma casilayo, Xukuumadda iyadaa gabtay waajibkeeda ee ha is casisho"

0
Tuesday April 03, 2018 - 15:17:48 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3194
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari "Aniga isma casilayo, Xukuumadda iyadaa gabtay waajibkeeda ee ha is casisho"

    Jawaari "Aniga isma casilayo, Xukuumadda iyadaa gabtay waajibkeeda ee ha is casiho"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawaari "Aniga isma casilayo, Xukuumadda iyadaa gabtay waajibkeeda ee ha is casiho"  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo wixii sharci la raaco in isaga la yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.

Loading...

Waxa uu sheegay in Xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana iyada loo baahan yahay inay is casisho, waxaana uu intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, isla markaana ku kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka.

"Waa qariib in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa inaan qeexyo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay kulanka maalinta berri uu iclaamiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka berri la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa ah mid cirka sii gelinaya khilaafka ka dhex taagan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, iyadoo maalinta berri Xildhibaanada mooshinka ka keenay ay u balansan yihiin kulan ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...