[Daawo wardegdega:] Jawaari iyo Mahad oo wato boqolaal Ciidan ah ayaa gudaha u galay Hoolka baarlamaanka

0
Wednesday April 04, 2018 - 07:54:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Daawo wardegdega:] Jawaari iyo Mahad oo wato boqolaal Ciidan ah ayaa gudaha u galay Hoolka baarlamaanka

    Waagacusub.com - 140 ka mida Xildhibaanadda badbaado Qaran la baxay ee Jawaari taabacsan ayaa barxadda baarlamaanka tuban , iyagoo ay wehliyaan Xildhibaanadii kale ee Farmaajo taabacsanaay hasse yeeshee Gudoomiye jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - 140 ka mida Xildhibaanadda badbaado Qaran la baxay ee Jawaari taabacsan ayaa barxadda baarlamaanka tuban , iyagoo ay wehliyaan Xildhibaanadii kale ee Farmaajo taabacsanaay hasse yeeshee Gudoomiye jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Xildhibaan Mahad Cawad ayaa gudaha hoolka dhinaca gadaale ka soo galay iyadoo ay galbinayaan boqolaal Ciidan ah oo wata baabuurta gaashaaman. Gudoomiye Jawaari iyo Mahad ayaa fariistay kuraastii loogu tala galay ,waxeeyna albaabadda u furayaan baarlamaanka iyagoo ajandaha koowaad yahay iney ka doodaan derbiga Beledxaawo ka dhiseeyso Kenya.

Loading...

 
Qorshaha wuxuu ka koobnaay qodobadaan:- 
1- in xildhibaanadoida ay yimaadaan 6:00 subaxnimo.
2- in dhammaan kuraasta hal halka ah laga qaado hoolka.
3- in ay hoolka joogaan ciidan nabadgelyo oo ka amar qaato Muudey.
4- in kursiga Jawaari meesha laga saaro, laguna reebo labada kursi oo kale.
5- inay iyaga qabsadaan seddexda saf ee ugu horreeya, iyo safafka dambe.
6- in aan loo oggolaan inuu soo galo qof aan saxiixin buugga, si codkiisa loogu xisabtamo.
7- in Aan Jawaari loo ogolaan inuu soo fadhiisto kursigiisa.
8- in Muudeey Gudoomiyo kala fadhiga, lagana billaabo soojeedinta wax ka bedelka xeer hoosaadka, loona codeeyo. in xilka qaadista Jawaari noqoto gacan taag.
9- in loo codeeyo si gacan taag ah xil Ka qaadista Jawaari, laguna dhawaaqo.
10- inay soo qaataan microphone spare ah oo ah kan gacanta.
11- in qofkii dhaqdhaqaaq sameeyo laga saaro golaha.
12- inay dhankooda isku dayaan inay degenaan muujiyaan, haddii aan la soo weerarin Guddoomiye Muudeey.
13-in howshu ku dhamaato daqiiqado kooban, kadibna laga hor istaago xildhibanada inay ku shiraan Villa Hargeysa iyo Hoteeladaba.
14- In Hoolka la geeyay 77 qof oo dhar cad ah kuwaas oo gacan taaga wax ka sameeya maadama aysan Xildhibaano ku filan heeysan laakiin muhiimadu tahay in kaamiradda lagu qabto.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA OO DHAMEEYSTIRAN.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...