[ Akhri qisadaan] Haweeneey Ninkeeda Xambaar ku geeysa Isbitaalka oo karti iyo iimaan illaah ku maneestay

0
Thursday April 12, 2018 - 08:20:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4718
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [ Akhri qisadaan] Haweeneey Ninkeeda Xambaar ku geeysa Isbitaalka oo karti iyo iimaan illaah ku maneestay

    Waagacusub.com -Shabakada Al-arabia ayaa mar dhawr todobaad laga joogo waxa ay qortay in Haweenay u dhalatay Dalka Masar magaceeduna yahay Hiba Al-sayid Rajab ay dhabarka ku soo qaaday saygeeda ama ninkeeda oo xanuunsan iyadoo geysay Cisbitaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com -Shabakada Al-arabia ayaa mar dhawr todobaad laga joogo waxa ay qortay in Haweenay u dhalatay Dalka Masar magaceeduna yahay Hiba Al-sayid Rajab ay dhabarka ku soo qaaday saygeeda ama ninkeeda oo xanuunsan iyadoo geysay Cisbitaalka.

Marwo Hiba ayaa waxay haysaa saygeeda oo aanay da’diisu aad u weynayn, balse qaba cuduro dhawr ah, sidoo kalena waxaan si fiican u shaqayn kelyihiisa waxaanay toddobaadkii saddex jeer geysaa cisbitaalka si loo soo meyro ama loogu dhaqo kelyaha.

Haddaba shabakada Al-arabia ayaa wareysi ay la yeelatay haweenaydan waxay ku sheegtay in ninkeedu uu taksiile ahaan jiray, laakiin xanuunka hayaa uu ku dhacay Sannadkii 2012-kii xilligaasi kadibna waxay sheegtay inay shaqo bilawday oo ay iyadu dabarto masaariifta reerkeeda iyo saygeeda bukaanka ah.

Hiba ayaa waxay sheegtay in saygeedu isagoo ka murageysan xaalada caafimaad daro ee haysa iyo daruufaha adag ee la soo gudboonaaday uu usoo bandhigay in ay warqadeeda ka qaadato oo ay kala tagaan, laakiin ay hibo diiday in sidaasi yeesho, waxa aanay sheegtay inay ku qanacsantahay xaaladda nololeed ee ay ku jirto wax kasta oo dunidan ka dhacaana ay gacanta ILLAAHAY SUBXAANA WATACAALAA Ku jiraan.

Dhacdadan waxaa laga baran karaa in qadarinta iyo isku damqashada ka dhexaysa lammaanaha nolosha waddaaga ay tusaale u noqon karaan garab istaaga ay is garab istaagaan marka midkood ay dhibaato soo waajahdo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...