[Wardegdega:] Qaraxyo iyo dilal ka dhacay Muqdisho

0
Sunday April 15, 2018 - 22:19:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3616
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega:] Qaraxyo iyo dilal ka dhacay Muqdisho

    Waagacusub.com - Koox Hubeysan ayaa caawa xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ku dilay qof rayid ah oo la sheegay inuu macallin ka ahaa mid ka mida Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Koox Hubeysan ayaa caawa xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ku dilay qof rayid ah oo la sheegay inuu macallin ka ahaa mid ka mida Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayen bistoolado, waxayna ka baxsadeen goobta markii ay dilka fuliyeen, waxayna arrintan ka dambeysay  dil kale oo isla maanta sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska loogu geystay degmada Yaaqshiid.waxaana sarkaalkaas lagu magacaabaa Ismaaciil Xaaji Caddow.

Dhinaca kale waxaa caawa Gaari nooca dagaalka ah ciidan lagu weeraray agagaarka Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in weerarka gaariga loo adeegsaday qoriga Baasuukaha ee RPG, waxaana qarax weyn laga maqlay xaafadaha ku dhow goobta weerarku ka dhacay, waxayna wararku qaarkood sheegayaan in qarax miino uu haleelay Gaariga.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Muqdisho, waxaana magaalada Muqdisho maanta ka dhacay dilal qorsheysan iyo weerarka lala beegsaday ciidamada.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...