[Topnews:-] Bankiyada Canada oo xiriirka u jaray Xawaaladaha Somalida ee lacagta dhigan jiray

0
Tuesday April 17, 2018 - 06:27:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Bankiyada Canada oo xiriirka u jaray Xawaaladaha Somalida ee lacagta dhigan jiray

    Waagacusub.com - Sida uu qoray wargeyska the star Edmonton waxaa go'ay xiriirka Macaamil ee Bankiga ''The Royal Bank of Canada'' ee dalka Canada uu la lahaa dhammaan Xawaaladaha lacagta ee Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Sida uu qoray wargeyska the star Edmonton waxaa go'ay xiriirka Macaamil ee Bankiga ''The Royal Bank of Canada'' ee dalka Canada uu la lahaa dhammaan Xawaaladaha lacagta ee Soomaalida.
Maamulka ‘’The Royal Bank of Canada’’ayaa sheegay inuu joogsaday xiriirka Bankiga kala dhexeeyay Xawaaladaha Soomaalida, isla markaana ay soo afmeeri doonaan xisaab xirkooda.

Maamulka Bankiga ayaa laga soo xigtay in talaabadaasi  ay ku dhaqan galin doonaan saacado kooban gudahooda, waxa uuna maamulka tilmaamay inay ku howlan yihiin Xisaab-lacageedka Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee macaamilka la ah Bankiga.

Maamulka ayaa sheegay in xisaabaadka la xiri doono ay yeelan doonaan shirkadaha Xawaaladaha  ee Amal Express iyo Iftin Money Transfer ku lahaayeen Bangigaasi.

Loading...

Go’aanka lagu xiraayo Bankiga ‘’The Royal Bank of Canada’’, ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeelan doonaa Soomaalida ku dhaqan dalka Canada.

Sidoo kale, go’aankaan aya saameyn ku yeelan doona Soomaalida laga soo biilo dalka Canada oo aan iyagu heli doonin dhaqaalihii uga imaan jiray Canada.

Geesta kale, waxaan talaabadaani ka hadal maamulada shirkadaha Soomaalida uu saameynta xoogan ku yeelan doono go’aanka.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...