[Topnews:-] Buugga ka qeeylisiiyay Madaxweyne Trump qodobadda ugu muhiimsan iyo Madaxii FBI-da oo sir badan kashifay

0
Tuesday April 17, 2018 - 09:51:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3330
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Buugga ka qeeylisiiyay Madaxweyne Trump qodobadda ugu muhiimsan iyo Madaxii FBI-da oo sir badan kashifay

    Waagacusub.com - Fadeexooyinkan cusub ka dhanka ah madaxweyne Trump ayaa sida uu sheegay agaasimihii hore ee FBI James Comey waxaa ku jira mid la xiriirta in Madaxweynuhu uusan niyad ahaan taam ahayn, ayna dhici karto inuu cadaalad is hor taagay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Fadeexooyinkan cusub ka dhanka ah madaxweyne Trump ayaa sida uu sheegay agaasimihii hore ee FBI James Comey waxaa ku jira mid la xiriirta in Madaxweynuhu uusan niyad ahaan taam ahayn, ayna dhici karto inuu cadaalad is hor taagay.

Waraysi uu la yeeshay TV, ka hor buug uu Talaada shaacin doono, ayuu sidoo kale ku sheegay in Ruushka ay dhici karto inay sir ka hayaan Trump oo ay ku adeegsadaan inay ku handadaan.

Buugga oo lagu magacaabo "A Higher Loyalty: Truth, Lies, and Leadership" ayaa madaxweyne Trump kala mid dhigaya sidii nin madax u ah Maafiyo, iyo faahfaahin ku saabsan inuu ka caado yeeshay xiriirka dumar jirkooda ka ganacsada oo jooga magaalada Moosko.

Twitter ayuu Mr Trump ku soo qoray "James Comey oo simbiriirixday”, wuxuuna sheegay inuu been u sheegay koongareeska.

1. ‘Aan Maskax ahaan taam ahayn’

ABC News ayaa sii deysay qoraalka waraysiga oo ka kooban 42,000 oo kalmadood. Wariyaha barnaamijka 20/20 waday, George Stephanopoulos, ayaa Mr comey waraystay habeennimadii Axadda.

Markii la weydiiyey inuu Mr Trump u arko inuu yahay nin taam ah oo dal hogaamin kara ?, ayuu sheegay agaasimihii hore ee FBI inuusan rumaysnayn sheegashooyinka caafimaadka maskaxed ee Mr Trump, laakinse uu u arko nin aan niyad ahaan taam ahayn ,inuu madaxweyne noqdo.

"Shakhsi u arka in wixii ka dhacay Charlottesville ay yihiin wax niyad ahaan la qaadan karo, oo uga hadla ulana dhaqma dumarka sidii inay yihiin gaballo hilib ah, oo wax kasta, yar ama weyn, si joogto ah uga been sheega, kuna adkaysta in dadka Ameerikaanku rumaystaan, qofkaas taam uma aha inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka,” ayuu ku yiri Mr Stephanopoulos.

Mr Comey wuxuu ka hadlaayey dooddii uu Madaxweynuhu ka yiri "labada dhinacba” inay ku khaldanaayeen rabshadihii qolyaha aaminsan sarraynta dadka caddaanka ah ee Charlottesville, Virginia, sannadkii hore.

Image result for higher loyalty

2. Is hortaag caddaalad

Qayb kale oo waraysiga ah ayaa lagu soo qaaday la taliyihii amaanka qaranka ee shaqada laga eryey Febraayo 2017, Michael Flyyn, ka dib markii uu ka been sheegay xiriirro lala sameeyey safiirka Ruushka ee Washington.

Agaasimihii hore ee FBI wuxuu sheegay in Mr Trump uu isku dayey inuu cadaadis ku saaro inuu ka haro wixii baaritaan ah ee ku socda Mr Flyyn. "Waxaan u qaatay amar” ayuu ku yiri Stephanopoulos.

"Xaqiiqadii waa caddayn ah is hortaagid cadaalad. Waxay ku xiran tahay – aniguna kiiskan markhaati ayaan ka ahay, kamana ihi baare ama dacwad ooge, waxay ku xirnaanaysaa arrimmo kale oo muujinaya damaciisa”.

Mr Trump wuxuu aad u beeniyey arrintaas uu Mr Comey soo qaaday.

3. Mooshin xil ka qaadis

In kastoo ay arrimahaas jiraan misna Mr Comey kuma talin in madaxweynaha dacwad lagu oogo. laakiin Wariyahii ABC Stephanopoulos. ayaa ku yiri, "Waxay ila tahay in dacwad lagu oogo oo xafiiska laga qaado Donald Trump waxay dadka Ameerikaanka ka saaraysaa dhibaatada” 

Taa beddelkeeda wuxuu rumaysan yahay in dadka Maraykanka ay "waajib ku tahay” inay Mr Trump iskaga leexiyaan "si toos ah” ayagoo adeegsanaya codkooda doorashada.

Qoraalka qudhiisa ayuu Mr Comey la barbar dhigay Mr Trump sidii inuu yahay nin madax u ah koox dambiileyaal ah.

4. Baaritaanka E-maillada Clinton

Waraysiga wuxuu ku sheegay Mr Comey in rumaysnaanta uu rumaysnaa in Hillary Clinton ay ku guulaysanayso doorashadii madaxtinimada ee 2016 ay qayb ka ahayd sidii uu u maamulay qaabkii ay u isticmaashay emailladeeda gaarka ah xilligii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda.

"Waxaan ka shaqaynayey duni Hillary Clinton ay ka guulaysanaysay Donald Trump” ayuu yiri Mr Comey. "Sidaa darteedna waxaan hubaa inay qayb ka ahayd.

Ma garanayo sida loo dhigayo laakin sidaa ayey ahayd. Waxay ahayd in ayada loo dooran doono madaxweynenimada, haddii aan tan ka qariyo dadka Ameerikaankana ay sharci darro noqonayso marka la doorto, marka ay soo baxdo”.

Bishii Luulyo 2016, Mr Comey wuxuu sheegay in Hillary Clinton ay "taxadar la’aan weyn” samaysay, taasoo ku saabsan sidii ay u isticmaashay emailladeeda, laakinse aysan FBI-du dacwad ku soo oogin.

5. Dumarka jirkooda iibiya ee Moosko

Agaasimihii hore ee FBI wuxuu sheegay in ugu yaraan afar goor uu Mr Trump soo qaaday arrin aan la xaqiijin oo ah inuu toos u daawaday dumar jirkooda iibiya oo fuxshi ku samaynaya hotel ku yaalla Moosko, mar uu halkaa socdaal ku joogay 2013.

Arrimahan ayaa ku soo baxay qoraal mukhaabaraadku hayaan oo aan weli bislayn, kaasoo uu uruuriyey basaas hore oo Ingiriis ah oo ay kiraysteen qolyo ay cadaawad kala dhaxaysay Mr Trump, si loo soo qufo ceebihiisa.

Mr Comey wuxuu sheegay in Trump uu si caro leh u beeniyey, uuna ka dalbaday in FBI-du ay wax-kama-jiraan ka soo qaaddo bacdamaa ay dhibaato ku yihiin xaaskiisa, Melania Trump.

Wuxuu qoray in arrinta lagu soo qaaday kulan ka dhacay Trump Tower, Janaayo 2017, in yar ka hor caleema saarkii madaxweynaha.

6. Gacmaha iyo timaha Trump

Mr Comey oo dhererkiisu yahay 6ft iyo 8in wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ee uu la kulmay madaxweynaha oo dherekiisu yahay 6ft iyo 3in, inuu u muuqday sidii inuu ka gaaban yahay marka laga arkayo Tvga.

"Wajigiisu wuxuu u yara muuqday mid oranje ah” ayuu qoray Mr Comey, "oo indhaha hoostoodana ku leh laalaabyo aad u muuqda. Waxaan u qaatay inuu xiran jiray ookiyaaleyaal yaryar, oo timihiisana laga sii shaqeeyey kuwaasoo leh midab dahabi ah oo ifaya, oo marka aad u dhawaato aad arkayso inay yihiin kuwo run ah oo aan gacan ku samays ahayn.

Markii uu gacanta soo taagay ayaan maskaxda ku sii qortay dhumucdiisa. Wuu iga yaraa xajmi ahaan, laakin ma ahayn si qayrul caadi ah” ayuu yiri.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...