Sheekh Shariif oo ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka

0
Tuesday April 17, 2018 - 12:21:41 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka

    Sheekh Shariif oo ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Shariif oo ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka labada dal.

Sheekh Shariif oo wareysi siiyay Telefishinka Al Carabiya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, isla markaana loo baahan yahay khilaafka labada dowladood laga gaaro xal.

Waxaa uu sheegay in Imaaraadka Carabta uu door aad u muhiim ah ka qaaday arrimaha Soomaaliya, isla markaana sanadihii u dambeeyay ka caawisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Loading...

"Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir fanacsi, mid horumarineed iyo saaxibtinimo oo qoto dheer”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo la hadlayay Telefishinka Al Carabiya ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn baarlamaanka, xukumadda iyo madaxda dowlada ka dalbaday in xiisadaan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, wuxuuna intaas uu sii raaciyay in mararka qaar ay dhacaan arrimahan oo kale, laakiin loo baahan yahay haddii is fahmi waa uu yimaada in si deg deg ah xal looga gaaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in la xaliyo waxyaabihii is faham-waaga ee sababay xiisada, isla markaana Madaxda dowladda ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii cirka isku shareeray xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex bilaabatay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo Imaaraadka ay dhowaan cambaareysay tallaabadii lagu xanibay diyaarad ka diiwaan gashan dalkeeda garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lacag mallaayiin dollar ay siday lagu qabtay garoonka, lana wareegeen ciidamada ammaanka.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...